Ethiopia oo hadashay dagaalkii dhexmaray Sudan

Ethiopia-(Berberanews)-Itoobiya ayaa beenisay in ay weerar ka fulisay dhamaadkii asbuucii lasoo dhaafay xadka ay la wadaagto Sudan, iyadoo ku eedaysay qalalaasaha aagga lagu muransan yahay inay ka dambeeyaan fallaagada gobolka Tigray ee uu dagaalka ka socdo.

Sabtidii, millatariga Suudaan ayaa sheegay in “dhowr” askar ah lagu dilay weerar ay kooxo hubaysan iyo maleeshiyaad xidhiidh la leh millatariga Itoobiya ku qaadeen dhulka beeraha u dihin ee loo yaqaan Al-Fahaxa.

Deegaankan ayaa muddo dheer waxaa ka taagnaa xiisad u dhexeysa Addis Ababa iyo Khartoum, taasoo ka dhalatay dagaallo lagu hoobtay sannadkii hore.

Laakiin war laga sii daayey warbaahinta dawladda Axaddii, afhayeenka dawladda Itoobiya, Legesse Tulu, waxa uu meesha ka saaray sheegashada millatarigu ku weeraray Suudaan oo uu ku tilmaamay “mid aan sal lahayn”.

Taa beddelkeeda, wuxuu ku eedeeyay rabshadaha kooxda Tigray People’s Liberation Front (TPLF), kooxda dagaalyahannada ah ee dagaalka xun kula jira xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed tan iyo bishii Nofembar 2020 oo sheegtay inay ku soo wajahan tahay caasimadda Addis Ababa.

“Kooxo badan oo muqaawamo ah, budhcad iyo argagixiso ah ayaa soo galay [Sudan],” Legesse ayaa ku yidhi war ay sii daysay warbaahinta Itoobiya, isagoo aan bixin caddayn.