Dawladda Somaliland oo samaynaysa xeer lagu xakameynayo Warbaahinta Bulshada

Hargeysa—(Berberanews)-Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay ku dhawaaqday inay samaynayso xeer lagu xakameyn doono adeegsiga Baraha Bulshada, gaar ahaan baahinta warxumo-tashiilka iyo wararka been-abuurka ah iyo wixii la mid ah.

Go’aankan ayaa ka soo baxay shirka sannadlaha ah ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Somaliland oo caasimadda Hargeysa lagu soo gunaanaday maalintii Axadda toddobaadkan.

Berberanews.com
Info@berberanews.com