Somaliland: Xogta qoddobbo lagaga hadlay kulan Hargeysa ku dhexmaray M. Biixi iyo Mustafe Cagjar

Hargeysa-(Berberanews)-Madaxweynayaasha Jamhuuriyadda #Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweynaha Dawlada Degaanka Soomaalida Itoobiya Md. Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) oo Hargaysa ku kulmay, ayaa ka wadahadlay arrimaha ganacsiga iyo sidii looga wada shaqayn lahaa amniga labada dhinac.

“Booqashada madaxweyne Mustafe ee Hargeysa waxay daarranayd amniga iyo ganacsiga. Dhinaca ganacsiga hore ayey xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland noogala shaqaysay ilaalinta sicirka lacagta Itoobiya. Dhinaca kale, isticamaalka Dekedda Berbera iyo in laga sii wadahadlo shuruucda lagu dhaqayo Berbera Corridor, markaa guud haan labada qoddobba isfaham wanaagsan ayaa laga yeeshay.” Sidaa waxa yidhi afhayeen u hadlay weftiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dawlad-degaanka Soomaalida dalka Itoobiya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook, waxa uu uga mahadceliyey madaxweyne Mustafe booqashadiisa, isagoo sheegay in labada shacab yihiin dad walaalo ah.

“Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar, Dawlad-degaanka Soomaalida dalka Itoobiya iyo shacabka aan walaalaha nahay waxaan uga mahadcelinayaa xoojinta iskaashiga iyo wadajirka labada shacab ee Somaliland iyo Dawlad-degaanka Soomaalida Itoobiya ee walaalaha ah. Waxa aan u rajaynayaa labada shacab ee walaalaha ah horumar iyo iskaashi intan ka ballaadhan,” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Safarka madaxweyne Mustafe ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ku soo beegmay xilli dagaallo culus ka socdaan qaybo ka mid ah dalkiisa Itoobiya, waxayna u badan tahay in kulanka uu la yeeshay Madaxweyne Biixi layskula soo qaaday arrintaas, inkasta oo aan warbaahinta lala wadaagin.