Qax xooggan oo ka bilaabmay Boosaaso, kadib cabsi xiisad dagaal

Waxaan amarnay macallimiinta inay ardayda dib ugu celiyaan iskuullada, shacabkana waxaannu ugu baaqaynaa inay guryahooda joogaan oo aan la barakicin” Duqa Bosaaso.

Boosaaso-(Berberanews)-Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ee maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland, ayaa shaaciyey in boqollaal oo qof shacab ah ka qaxeen qaybo ka mid ah magaaladaas, sidoo kalena la xidhay dhammaan goobaha waxbarashada, kadib markii ay sii xoogaysatay xiisad aad u kulul oo ka dhex oogan maamulka Garoowe iyo hoggaanka ciidammada la-dagaallanka argagixisada ee PSF oo diiday amar uu madaxweyne Deni xilka kaga qaaday agaasimaha ciidankaas oo tan iyo markii la aasaasay maamulkiisu gacanta ugu jiro hal qoys.
Maamulka Puntland, ayaa ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee PSF ku tilmaamay inay ku hawlan yihiin falal cabsi-gelin ah oo ku barakicinayaan dadweynaha ku dhaqan magaalo-xeebeedda Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.
Duqa Bosaaso Mr. Cabdiqani Axmed Ismaaciil oo shir-jaraa’id qabtay saaka, ayaa ku eedeeyey ciidammada PSF inay dadka ku garaacayaan guryaha, isla markaana ku qasbayaan inay qaxaan.
Waxa uu intaa ku daray, “Boosaaso hadda kama jiro barakac la sheego. Keliya waxa jiraa ciidammo jooga xarunta hay’adda PSF oo taliyihii la beddelay uu weli la joogo inay dadka guryaha ku garaacayaan oo ay leeyihiin ka qaxa, iyadoo ujeeddaduna tahay in loo arko in Boosaaso dhib ka taagan yahay, laakiin waxaan caddaynaynaa in Boosaaso aannu ka jirin wax dhib ah. Magaaladu way deggen tahay, iskuulaadkii ay joogeen ayey ardaydu dib uga soo noqotay. Waxaan amarnay macallimiinta inay ardayda dib ugu celiyaan iskuullada, shacabkana waxaannu ugu baaqaynaa inay guryahooda joogaan oo aan la barakicin.”
Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland, Siciid Cabdillaahi Deni, ayaa xeer oo uu soo saaray 24-kii bishan agaasime cusub ugu magacaabay ciidanka PSF, balse hoggaanka hay’addaas ayaa magacaabista iyo xil ka qaadista agaasimahooda ku tilmaamay sharcidarro.
“Ciidammada PSF dawladda ayey ka mid yihiin, waana ciidan dawladeed, mana aha ciidan gaar ah. Shacabka yaan loogu sheegin inay yihiin ciidan gaar ah, waana ciidammada agaasimahooda uu madaxweynuhu soo magacaabi jiray, haddana uu xilkii ka qaaday agaasimihii hore, una magacaabay agaasime cusub,” ayuu yidhi Duqa magaalada Boosaaso.
Sidoo kale, Duqa Bosaaso ayaa sheegay in xaaladda magaalada haatan ka taagan ay ka dhalatay amar diido ka timi agaasimaha ciidanka PSF ee la beddelay oo ku gacan-saydhay tallaabada xilka lagaga qaaday.
“Dadka waxaan u sheegaynaa in Boosaaso aanay wax dhib ah ka jirin, in aanay ka jirin wax khalkhal gelinaya amniga, balse ay jiraan keliya ah amar diido ka timi agaasime la beddelay oo diiday in uu xilkii wareejiyo.”
Dhinaca kale, ciidammada la dagaallanka aragigixsada Puntland ee PSF ayaa sheegay in lagu fashilmay tallaabo la doonayey in ciidammada la isaga horkeeno, kadib muuqaal ay dhigeen PSF bogga ay ku leeyihiin Facebook maanta.
Waxa muuqaalka ka muuqda tiro ka mid ah ciidammada Puntland oo sheegaya in aanay diyaar u aheyn inay weeraraan PSF.