Maxaa ka jira in meydka wiil Soomaali ah lagala baxay kelyaha iyo beerka?

Waxaa baraha bulshada si weyn looga hadal hayay maalmihii la so dhaafay dhacdo ku saabsan haweeney Soomaali oo ku sugan dalka Mareykanka oo ooyaysa xilli la sheegay in wiilkeeda oo meyd ah lagala baxay qaar kamid ah xubnaha jirkiisa.

Muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada ayaa la arkayay hooyada oo aan magaceeda la sheegin iyo dhowr haween oo kale oo kor taagan meydka wiilka ka hor inta aan la aasin.

Muuqaalka oo ah mid argagax leh ayaa waxaa ka muuqda meydka wiilka oo la jeexay iyo afar haween Soomaali ah oo ku dul oynayay oo ay ku jirta wiilka hooyadii oo aan magaceeda la sheegin.

“Afarta dumar baan ku taaganahay, meydkayagii wakaa, waataa hooyadii dul taagan, waatan hooyadii ooyayso, meydkii waa la qashay, kilyihii baa lagala baxay, beerkii baa lagala baxay” waxaa sidaas tiri qof dumar ah oo meydka ag taagneyd xilli oohin la maqlay.

Haddaba maxaa ka jira arrintani?

Horseed Nuux oo ah afhayeenka dalladda Soomaaliyeed ee xiriirka arrimaha masaajidda ee gobolka Ohio dalka Mareykanka kana mid ahaa dadkii sida weyn ula socday dhadcadan ayaa BBC-da u sheegay inay arkeen in aysan jirin xubin lagala baxay meydka sida ay u xaqiijiyeen dhakhaatiirta.

“Waxaan isku qancinay in aanay jirin xubin lala baxay, walaalka isaga oo meyd ah ayaa laga helay xaafad, cisbitaalka markii la keenay wuu meyd baryay kadibna waxaa la geeyay qolka la dhigo meydadka.”

“Waxaa noola sheegay in dhowr maalmood kadib qalliin lagu sameeyay intaas waxaa inoo sheegay dhakhtarka iyo qareenka, marka waxaa meesha ka baxaysa fikirka ah ‘xubin baa lagala baxay markii aan la hadalnay qareenka iyo dhakhtarka iyo ninkii qalliinka ku sameeyay , waxaa inoo soo baxday oo aan ku qanacnay in wax xubin ah aanan jirkiisa lagala bixin’ ” ayuu yiri Horseed Nuux.

Horseed wuxuu sidoo kale sheegay in dhakhaatiirta sababta ay u qaateen go’aanka ay tahay sidii ay ku ogaan lahaayeen waxa sababay dhimashada wiilka, taasoo ah qallin caadiyan lagu sameeya dadka geeriyooda si lo ogaada sababta keentay dhimashada.

“Waxay yiraahdeen ma aanan aqoonin cid aan la xiriirno, sababta ka dambeysay dhimashadiisa ayaan rabnay in aan ogaanno, jawaabta wax sababay dhimashadiisana ilaa lix toddobaad beyn qaadan, waan sugeynaa”

Waxaana la sheegay in qalliinka lagu sameeyay meydkan wiilka 8-dii bisha Nofeembar, wuxuu geeriyooday saddexdii isla bishan, sida Sheekha ay u sheegeen dhakhaatiirta.

Eedeymaha loo jeedinayay maamulka masaajidka ayaa ahaa in meydka loo diiday in lagu tukada masaajidka taas oo uu Sheekha beeniyay.

Horseed Nuux wuxuu sheegay in loo sheegay in wiilka uu qabay cudurka covid-19 sidaa darteeda aanan la ogeyn in meydka la geeyo masaajidka si loogu tukada janaasada isla markaana ay raaceen talooyinka caafimaad ee ku aadan ka hortagga cudurka.

Wuxuu intaa ku daray in salaaddii janaasada lagu tukaday kaas oo ay kasoo qeybgaleen bulshada, guddoomiyaha magaalada iyo culimada.

“Waxay inoo sheegeen in Coronavirus uu qabay, aniga runtii wey ii sheegeen, hooyadan wey i ag fadhiday, qofka haddii uu u dhinto cudurka Corona oo la xaqiijiyo meydkiisa masaajidka lama keeno, lama meyro, xabbaasha dusha baa la dhigaa , meydka meel bannaan ah ayaa la geeya oo qabuuraha ka tirsan salaadda janaasada ayaa lagu tukadaa sidaas ayaa lagu xabbaalaa.”

Sheekha wuxuu sidoo kale sheegay in kulan ay ka yeesheen dhacdadan kaas oo ay kasoo qeybgaleen culimada, jaaliyadda iyo qoyska si wax looga qabto haddii dhibaata noocan oo kale ay lasoo dersito bulshada Soomaalida iyo Muslimkaba.

Goorma ayaa meydka la qalaa si baaritaan loogu sameeyo?

Baaritaannadan oo loo yaqaanno Autopsy ayaa inta badan lagu sameeyaa meydka, balse qof kasta o dhinta lama marsiiyo baaritaankan.

Baaritaanka ayaa ku lug leh in xubnaha muhiimka ah ee jirka sida kilyaha iyo beerka oo meydka laga bixiyo si baairtaan loogu sameeyo, dabeedna lagu celiyo.

Sida lagu daabacay bogga jaamacadda caanka ah ee dalk Mareykanka ee Johns Hopkins ee caafimaadka, dhowr sababood ayaa keeni kara in meydka jirkiisa la jeexo si baairtaan loogu sameeyo:

• Marka aan la ogeyn sababta uu qofku u dhintay ama uu jira tuhun ku aadan sababta dhimashada.

• Marka la waaya dhakhtar aqoonsan kara meydka sheegi karana sababta laga yaaba inay kenetay dhimashadiidsa si loo saxiixo shahaadada dhimashada.

• Marka qoyska ama qof sharciyan qofka dhintay masuul ka ah uu dalbada in baairtaan lagu sameeyo.

Baaritaanka meydka ayaa inta badan qaato inta u dhexeysa 2 ilaa yo afar saacadood waxaana natiijada oo dhameytirsan la helaa dhowr isbuuc gudahood.

@Bbc Somali