Madaxweyne Biixi oo afar jeer casuumad ka diiday Abiy Axmed

YAA U YEEDHAY MADAXWEYNAHA ISMAAMULKA SOOMAALIDA ITOOBIYA?

Waxa qoray Aqoonyahan Axmed Aadan

Axad, November 28,2021

Warar lagu kalsoon yahay oo laga soo xigtay dad ku dhow Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegay in Madaxweyne Bihi uu afar jeer diiday casuumad uu u fidiyey Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Casuumadda koowaad ayaa timi xilli mucaaridka TDF ay dagaallo ku qaadeen degmada istiraatiijiga ah ee Mile oo ku taal gobolka Cafarta, ahna waddada tareenka isku xidha Djibouti iyo Addis Ababa.

Kadib dagaallada Mile, ayaa waxa Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu telefoon u soo diray Madaxweynaha Somaliland, isaga oo markan uu u sheegay Madaxweyne Bihi in uu ugu iman lahaa Hargeisa, laakiin sida uu hadalka u sheegay in argagaxisada TPLF ay weerar ku yihiin xukuumaddiisa.

Madaxweyne Bihi ayaa si maamuus leh uga cudurdaartay casuumadda Abiy Ahmed, waxana uu Madaxweyne Bihi u sheegay Abiy in waqtigan aannu aqbali karin casuumaddiisa.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somaliland Mouse Bihi, ayaa isaga oo ka hadlayey xafladdii furitaanka Berbera International Airport, si aan toos ahayn u sheegay in qofkii ama dawladdii ka maaranta Somaliland, in markaas iyagana ay ka maarmeen, hadalkaas Madaxweyne Bihi waxa uu ruxay madaxtooyada Addis Ababa, sida ay aaminsan yihiin aqoonyahanno badan.

Xukuumadda Abiy Ahmed, ayaa waxa ay u soo dirtay Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Mustafe Omar, in uu markaas ku qanciyo Madaxweyne Bihi in uu kula kulmo Abiy Ahmed magaalada Addis Ababa.

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya waqtigan waxa saaran culays badan, iyada oo dagaalyahannada TDF ay ka dagaallamayaan hareeraha Addis Ababa, xilli Maraykanka iyo Midowga Yurub ay cunaqabatayn saareen xukuumadda Abiy Ahmed.