Guddiga Khilaafaadka Doorashada Soomaaliya oo hakiyey kursiga Taliyaha Sirdoonka NISA

#Muqdisho-(Berberanews)-Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka dalka #Soomaaliya, ayaa amray in la hakiyo natiijada kursiga summaddiisu tahay 067 ee uu dhowaan ku guulaystay Taliyaha Hay’adda Sirdoonka ee #NISA, Kornayl Yaasiin Farey.
Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada, ayaa qoraal ay saareen maanta waxa ku sheegeen in kursiga Taliye Farey ee ay hakiyeen laga soo gudbiyey dacwad ka timi musharrax lagu magacaabo Axmed Cabdikariin Cali iyo nabaddoon Cali Xasan Cali (Jeesto).

Waxa ay Guddigu xuseen inay muddo toddobaad ah ku soo gebagebayn doonaan dacwadda cabashada laga soo gudbiyey kursiga Yaasiin Farey, markaas kadibna Guddiga Doorashada la wadaagi doonaan natiijada baadhitaankooda.

Waa kursigii labaad ee Gddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka Soomaaliya hakiyaan, waxaanay hore u hakiyeen kursiga uu ku guulaystay raysal-wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed, balse maalmo yar kadib ayey dib ugu ansixiyeen.