Ethiopia-(Berberanews)-Dalka Ethiopia waxaa sare u kacay tirada dadka u dhintay Covid-19 iyo dadka laga helay oo todobaadkii u danbeeyay gaadhay ku dhawaad kun qof.
Sida ay baahisay Wasaaradda Caafimaadka dalka Ethiopia waxaa todobaadkii u danbeeyay u dhintay Covid-19 74 qof, halka dadkii iskood baadhitaannada u tegayna laga helay
974 qof.
Sare-u-kaca Covid 19 ee dalka Ethiopia ayaa ku soo beegmay wakhti dalalka Afrika qaarkood uu ka dilaacay nooc cusub oo Covid ah, kaasoo ay werwer ka muujisay Hay’adda Caafimaadka adduunku. Sidoo kale ay dalka Ethiopia uu ku jiro xaalad dagaal oo meesha ka saartay dedaalladii dowladu ku xakamayn lahayd.
Waxaannu halkan idiinkula wadaagaynaa warbixinta Wasaaradda Caafimaadka Ethiopia soo saartay todobaadkii u danbeeyay.