Ciidammada Puntland oo ku biiray gadoodka PSF

Boosaaso-(Berberanews)-Askar ka tirsan ciiddamada maamulka Puntland ayaa maanta ku biiray ciiddanka PSF oo ismaan-dhaaf iyo xiisadi ka dhextaagantahay Madaxeyne Denni.

Ciidammada gaarka u tobabaran ee PSF oo taageero dhaqaale iyo mid xirfadeedba ka hela dalalka reer Galbeedka, ayaa sameeyay gadood ay ku diidanyihiin xil ka qaadistii dhowaan lagu sameeyay taliyahoodii.

Qaar kamid ah askarkan oo saxaafadda kula hadlay xerada ciiddanka PSF ee magaalada Boosaaso, ayaa waxay sheegeen in qorshaha loo geeyay Boosaaso uu ahaa in ay weeraraan PSF, balsr ay iska diideen.

“Waxaannu dooranay inaan difaaca kasoo baxno oo xoriyadda doorano, hadda waxaan ku suganahay xerada PS ee magaalada Bosaso, waxaa nalagu yidhi waxaad weerartaan walaalihiin oo aad isku ciidan tihiin, sidaa markay noqotay waxaan kasoo baxnay, ciidammada Puntland waa walaalo.” Sidaa waxa yidhi mid ah askarta.

Saraakiisha PSF ayaa ku eedeeyay madaxda Puntland inay iska horkeynayaan ciiddamada Puntland, iyagoo ciiddamada kale ugu baaqay in ay ka digtoonaadaan in la qaldo sida ay sheegeen saraakiisha PSF.

Duqa Boosaaso  Cabdiqani Axmed Ismaacil (Deero Dile), ayaa digniin u diray Taliyihii PSF ee xilka laga qaaday, waxaannu ku eedeeyay inay kicin dadweyne ka wadaan Boosaaso.

Berberanews.com
Info@berberanews.com