Baydhabo: Guddida Doorashada oo amar diido ku doortay Kursi laga joojiyay

Baydhabo-(Berberanews)-Maxamed Cali Xasan ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay 103 ee Golaha Shacabka, kaa soo shalay Guddiga Heer Federal ee Doorashooyinka Soomaaliya ay amreen in la joojiyo, kadib markii uu dacwad ka gudbiyay Prof. Maxamed Cismaan Jawaari.
Hase yeeshee, Guddiga Doorashada Maamul-goboleedka Koonfur-galbeed, ayaa amarkaas iska dhego tiray, iyagoo ku adkaystay in ay doorashadiisa qabanayaan maanta oo Axad ah, wayna qabteen.

Musharrax Maxamed Cali Xasan ayaa doorashada kursigan kaga guulaystay Mukhtar Cali Ibraahim, wuxuuna helay 78 cod, halka musharraxa la tartamayey uu helay 18 cod.

Lama oga tallaabada uu qaadi doono Guddiga Doorashada Federaalka ee maamulka Koonfur-galbeed diiday amarkooda, kuwaas oo guddoomiyihii hore ee barlamaanka Soomaaliya ka qabtay dacwad uu ka qabay doorashada kursiga beeshiisa.

Jawaari iyo musharraxiin kale, ayaa ka wada magaalada Muqdisho abaabul ka dhan ah waxay ugu yeedheen boob qaran oo lagu hayo doorashada aqalka hoose, waxayna  arrintaas isku fikir ka yihiin xubno uu ka mid yahay Cabdiraxmaan Tuuryare, taliyihii hore ee NISA.

Berberanews.com
Info@berberanews.com