Puntland: Taliska ciidanka PSF oo si cad u diiday qaadashada amarka Deni iyo xiisad colaadeed oo ka taagan Boosaaso

Boosaaso-(Berberanews)-Taliska ciidanka Sirdoonka iyo La-daallanka Argagixisada Maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland (PSF), ayaa qoraal kooban oo ay saareen maanta waxa ay si cad ugu sheegeen in aanay sinaba u aqbali doonin, una hoggaansami doonin tallaabo kasta oo maamulka Garoowe ku doonayo in lagu beddelo hoggaanka ciidankooda.

“Ma jiro wax amar ah oo oo aannu ka qaadayno kuwa cadowga la shaqaynaya, waanuna ka difaacaynaa,” ayaa lagu sheegay qoraalka ka soo baxay taliska ciidanka PSF.
Hoggaanka ciidanka PSF waxay ku doodeen in madaxda maamulka Puntland ay farogalin aan waafaqsanayn xeerka ciidammada ku sameeyeen, taasoo ay sheegeen inay ka dhalatay hagardaamooyin ay muddo badan ka aamusnaayeen.
“PSF waa ciidan aan ku dhex milmin arrimaha siyaasadda iyo ururrada, waxaanay u heellan yihiin la dagaallanka cadowga Puntland,” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay taliska ciidammada PSF.

Go’aanka ka soo baxay taliska ciidammada PSF, ayaa kor u sii qaaday cabsi xoog leh maalmihii u dambeeyey ka taagan magaalada Boosaaso oo ay buux dhaafiyeen ciidammo iska soo horjeeda.
Wasiirka Amniga maamulka Puntland, ayaa hore ugu hanjabay in si aan baryo lahayn xilka loogu wareejin doono agaasimaha cusub ee Madaxweyne Deni u magacaabay hoggaaminta ciidanka PSF oo iyaguna si adag uga horyimi fulinta amarkaas.

Wasiir Gallan, ayaa uga digay ciidanka PSF in ay khalkhal amni ka abuuraan magaalada Boosaaso, isla markaana ay si nabadgalyo ah ku dhacdo xafladda xilwareejinta.
Geesta kale, wararka ka imanaya magaalo-xeebeedda Boosaaso, ayaa sheegay in maamulka Garoowe ciidammo tiro badan oo cusub ku daabulayo magaaladaas oo xarun u ah ciidammada sida gaarka ah u tababaran ee PSF oo iyagana hoggaankoodu diiday inuu xilka wareejiyo, kuwaas oo iyaguna isugu tegay Boosaaso, kadib markii ay ka baxeen aagag kala duwan oo ay kula dagaallami jireen kooxaha Alshabaab iyo Daacish oo saldhigyo ku leh qaar ka mid ah degaannada Maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland.

Warku wuxuu intaas ku darayaa in ay magaalada Boosaaso haatan ka jirto cabsi aad u weyn oo laga qabo dagaal khasaare badan dhaliya oo labada ciidan ee iska soo horjeeda si fudud uga dhex qarxa, waxaanay arrintaasi keentay in ay Isimada iyo odayaasha dhaqanka ee degaankaasi isugu yimaaddaan shir degdeg ah oo lagaga xaajoonayo sidii loo qaboojin lahaa xiisadda aadka u kacsan ee ka jirta magaaladaas.