Madaxweynaha DDSI oo si weyn loogu soo dhoweeyey Somaliland iyo ujeeddada safarkiisa

Hargeysa -(Berberanews)-Madaxweynaha Dawlad-degaanka Soomaalida dalka Itoobiya Md. Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) iyo wefti ballaadhan oo uu horkacayo ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey Jamhuuriyadda Somaliland oo ay ku yimaaddeen socdaal rasmi ah maanta.
Madaxweyne Cagjar iyo weftigiisa oo safar dhinaca dhulka ah ku soo galay Somaliland, ayaa markii ay gaadheen caasimadda Hargeysa waxa uu warbaahinta u sheegay inuu u socdo sidii dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo degaankiisu iskaga kaashan lahaayeen ka gudbista dhibaatooyinka ka jira Geeska Afrika ka jira.
“Waxaanu u soconnaa in aannu masuuliyiinta iyo madaxda Somaliland kala hadallo arrimo la xidhiidha iskaashiga guud, sida dhaqaalaha, isdhexgalka bulshada, tan iyo markii uu isbeddelku ka dhacay dawlad-degaanka, iyadoo dadku ay horeba walaalo u ahaayeen haddana isbeddel ballaadhan ayaa ka jira dhinaca isdhexgalka.”
“Somaliland oo ah dad aannu walaalo nahay, dawlad aannu jecelnahay, in xaaladaha geeska ee soo kordhay aanay samayn xun nagu yeelan, dhinaca amnigana sidii loo sii adkayn lahaa ayaannu u soconnaa,” ayuu sii raaciyey Madaxweyne Cagjar oo iftiiminayey ujeeddada socdaalkiisa Somaliland.

Madaxweynaha ismaamulka Soomaalida Itoobiya, ayaa sheegay inuu saxaafadda la wadaagi doono waxyaabaha ay isla meel dhigaan madaxda Somaliland kadib kulamo muhiim ah oo dhexmari doona.

Madaxweyne Cagjar iyo weftigiisa waxa magaalo xuduudeeda Tog-wajaale ku soo dhoweeyey Wasiirka Arrimaha Gudaha Md Maxamed Kaahin Axmed iyo saraakiil kale oo ka tirsan xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland.