Midowga musharrixiinta oo bayaan soo saaray maanta, ayaa sheegay doorashada Aqalka Hoose ee socota in lagu tuntay dhammaan habraacyadii loo dejiyey nidaamka qabsoomidda doorashada, waxaanay arrintaas ku tilmaameen mid keenaysa xasillooni-darro halis gelisa dalka iyo jiritaanka dawladnimada taagta daran ee Soomaaliya.
Waxa kaloo ay sheegeen inay maalmahan u socdaan kulammo dhexdooda ah iyo kuwa ay la yeelanayaan Ra’iisal-wasaare Rooble, bulshada qaybaheeda kala duwan iyo beesha caalamka.
Bayaanka qaadacaadda ah ee Midowga Musharrixiinta Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa ku soo beegmay xilli ay doorasho la moodka Aqalka Hoose ee Baarlamaanku ka bilaabantay degaannada maamul-goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo doorashada indho-sircaadka iyo khayaaliga ah oo qol Muqdisho ku yaal lagu qabto, laguna sheego in lagu dooranayo xildhibaanno metela shacabka Jamhuuriyadda oo doorashadii 7aad codkooda si xor iyo xalaal ah ugu cugtay cidda masiirkooda hoggaaminaysa.