Itoobiya: Dagaallada oo sii xoogaystay iyo Maraykanka oo baaq degdega u diray

WASHINGTON—(Berberanews)-Xoghayaha Arrimaha Dibadda Dibadda ee Maraykanka Mr. Antony Blinken, ayaa si weyn uga walaacsan kor-u-kaca iska horimaadyada millatari ee ka socda dalka Itoobiya, waxaannu dhinacyada ugu baaqay in wada-xaajood degdeg ah laga yeesho xiisadda, sida uu sheegay afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Washington.

“Xoghaye Blinken wuxuu muujiyey walaac aad u weyn oo ku saabsan calaamadaha welwelka leh ee muujinaya korodhka millatariga ee Itoobiya, wuxuuna carrabka ku adkeeyey baahida loo qabo in si degdeg ah loogu gudbo wadahadal,” ayuu ku yidhi hadal uu soo saaray Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Mr. Ned Price shalay Jimcihii.
Price, ayaa hadalkan soo saaray kadib markii ay telefoon ku wadahadleen madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta iyo Blinken, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters.
Dhinaca kale, farriintiisii ugu horreysay tan iyo markii maalmo ka hor uu ku biiray jiidda dagaalka ayuu Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya Mr. Abiy Ahmed ku yidhi, “Ilaa aan cadowga ka aasno, oo madaxbannaanida Ethiopia aan ka xaqiijinno, dib u laaban mayno.”
Hadalka Abiy ayaa ku soo beegmay iyadoo ciidammada Jabahadda TPLF ay guulo ka sheeganayaa dagaalka, iyagoo sheegay in toddobaadkan ay qabsadeen magaalo 220km oo keliya u jirta caasimadda Ethiopia ee Addis Ababa.
Hadalka Abiy iyo sheegashada fallaagada ee dhulka cusub ee ay qabsadeen ayaa dhaliyey werwer caalami ah, iyadoo dalalka shisheeye ay ku amreen muwaaddiniintooda inay ka soo baxaan dalka Ethiopia.
Warbaahinta dowladda ayaa soo warisay Arbacadii la soo dhaafay in Ra’isul Wasaare Abiy oo hore u ahaa korneyl ciidammada millatariga ah uu tagay jiidda dagaalka si uu u hoggaamiyo dagaal rogaal celis ah oo ka dhan mucaaradka, isagoo shaqadii xafiiska ra’isul wasaaraha ku wareejiyey ku xigeenkiisa.
Wareysi laga baahiyey Jimcihii shalay kanalka afka Oromada ee telefishinka dawladda ayuu Abiy Ahmed oo sannadkii 2019kii ku guuleystay Abaalmarinta Caalamiga ah ee Nabadda ee Nobel Peace Prize, ku sheegay inuu hubo inuu ku guuleysanayo dagaalka uu kula jiro TPLF.

Waxa uu sheegtay in millatarigiisu ay dib u qabsadeen magaalada Kassagita ayna qorsheynayeen inay dib u qabsadaan degmooyinka Chifra iyo Burka ee Gobolka Cafarta ee deriska la ah gobolka Tigray ee saldhigga u ah TPLFTa.
“Cadowgu malaha awood iyo adkeysi ay nagula dagaallamaan, waana ka guuleysaneynaa,” ayuu yidhi Abiy.
Warysigan ayaa la sii daayey saacado uun kadib markii xukuumadda Addis Ababa soo saartay sharciyo cusub oo ku aaddan in xogta jiidda dagaalka lala wadaago oo keliya warbaahinta dawladda, taasoo ka dhigan cunaqabateyn ka dhan ah warbaahinta iyo wariyeyaasha madaxa banaan.
Khamiistii la soo dhaafay, Wasiirka Warfaafinta ee Ethiopia, Kebede Dessisa, ayaa ka codsaday Mareykanka inuu joojiyo sida uu hadalka u dhigay beenta uu ka faafiyo Ethiopia.
Hadalkiisa ayaa jawaab u ahaa war digniin ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka oo lagu sheegay in suurtagalnimada in Ethiopia ay ka dhacaan weerarro argagixiso.
Mr. Kebede, oo la hadlayay warbaahinta dawladda ee EBC ayaa yidhi, “Mareykanku waa inuu ka waantoobaa beenta, dacaayadda, wararka aan jirin iyo meel ka dhaca uu u geysanyo Ethiopia.”
Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Abiy iyo xoogagga mucaaradka ah ee ka soo jeeda Gobolka Tigray ee woqooyiga dalkaasi, ayaa in ka badan hal sanno dagaallamaya, waxana dagaalkaas uu galaaftay kumanaan qof, halka malaayiin kalena ku barakiciyeen, waxana Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu ku biiray furinta hore ee dagaalka Arbacadii toddobaadkan.
Qarammada Midoobay, ayaa ka digeysa in colaadda sannadka ka badan ka socota Ethiopia ay dhaxalsiisay malaayiin qof inay cuntadii ku yaraato oo qaar badanna ay galeenba xalaad macluul ah oo aad u daran.

Berberanews.com
Info@berberanews.com