Hargeysa: Kiiska nin jiidhay laba ey oo dhalasho ajaaniba sita

Hargeysa-(Berberanews)-Booliska magaalada Hargeysa ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay nin kaddib markii uu gaadhi jiidhsiiyey eey qaali ah.

Axmed Nuur Cabdiraxmaan, oo ah darawal baabuur nooca Xamuulka ah wada ayaa muddo laba maalmood ku jiray saldhig ku yaalla Hargeysa iyadoo eeygii uu jiirayna uu soo gaadjay dhaawac hadda laga daweynayo.

Eeyda gaadhigu jiidhay oo ah mid dhidig ah iyo mid kale oo lab waxa laga keenay waddanka Jarmalka sida uu BBC-da u sheegay Dr Cabdiqani Cali Warancadde, oo ah mulkiilaha Eey-ga la jiidhay, waxaana uu intaa ku daray in ay si gaar ah u tababaran yihiin.

” Laban eey noocooda waxaa la yidhaahdaa Rottweiler, dhawaan ayaannu waddanka keenay waxa aannu ka keenay Waddanka Jarmalka. Baasaaboor ayay leeyihiin,” ayuu yidhi Cabdiqani Cali Warancadde.

Ninka loo haysto inuu jiidhay eeyga oo hore maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ugu jartay rumaan ” Xabsi ku sii hayn ah” ayaa hadda lagu sii daayay damiin balse gaadhigiisii ayaa weli ku jira xarunta Ciidamada Taraafikada welina go’aan lagama gaadhin kiiskan.

Xaaladda Caafimaad ee Eey-ga.

Dr Cabdiqani Cali Warancadde, ayaa sheegay in xaaladda Caafimaad ee eey-du tahay mid liidata, waxaana waxyeelo ka soo gaadhay qaarka dambe ee jidhka gaar ahaana Misigta.

” Socodka way gurguuranaysaa, aad bay u liidataa Dhakhtar waannu gaynay laakiin wax la kabi karo ma ahan. Eey-dan markii horeba waxa loo tababaray in ay ordaan in ay tuugta soo qabtaan in la geeyo meelaha ammaanka si ay baaritaanka uga qeybqaataan tiina ma qaban karaan hadda ”.

Maxaa labadan Eey loo keenay Somaliland ?

Milkiilaha labadan eey ayaa sheegay in ujeedka loo keenay tahay sidii ay gacan u siin lahaayeen Ciimada Ammaanka Somaliland gaar ahaana in ay ka caawiyaan arrimaha la xidhiidha mukhaadaraadka, tuugada iyo baadhitaannada kale ee muhiimka ah.

” Eeyda hadaf baan u keenay waxaanu dooneynay in ay ka qayb galaan la dagaalanka amni darrada oo aan doonaynay in aanu ku wareejino qaybaha kala duwan ee laamaha amaanka sida booliiska iyo millateriga,” ayuu yiri Dr Cabdiqani.

Qiimaha eeyga la jiidhay

Qiimaha labadan eey midkiiba waxa la soo siiyay 4000 oo Dollar ka Maraykanka ah sida uu sheegay Dr Cabdiqani Warancadde. Sidoo kale waxa uu sheegay in marka laysku daro qiimihii la soo siiyay, documents kiisa iyo soo dhoofintiisa ilaa Somaliland ay kaga baxday lacag gaadhaysa 6245 oo Dollar halkii eeyba.

Dr Cabdiqani Cali Maxaamed Warancadde, ayaa sheegay in uu doonayo in isaga iyo ninka ku eedaysan in uu eeyga Jiidhay ay ku kala baxayaan sharciga Somaliland isagoo tusaale u soo qaatay qaabka loo kala baxo marka Neef Xoola ah gaadhi Jiidho sidaas si la mid ahna ay u kala baxayaan.

Xaggee lagu hayaa Labadan Eey ?

Labadan Eey ayaa lagu xannaaneeyaa Beerta Libaaxyda oo ku taalla Hargeysa halkaas oo sidoo kalena ay ku jiraan Xayawaano badan oo ay ka mid yihiin libaaxyo iyo harimacad.

Beertan waxa iska leh siyaasi Cali Maxamed Warancadde, oo hore u soo noqday wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland haddana ah Lataliyaha gaar ah ee madaxweyne Muuse Biixi Cabdi

@BBC Somali