Dr. Gabboose: Cabdikariin wuxu ku yimi albaab cusub oo Somaliland u furmay

Hargeysa-(Berberanews)-Dr. Maxamed Cabdi Gabboose, ayaa ka hadlay duruufaha ku gedaaman caasimadda Hargeysa iyo culayska saaran Maayar Cabdikariin Axmed Mooge, oo ku ahaa xildhibaankii ugu codka Badnaa Goleyaasha Deegaanka dalka.
Dr. Gabboose wuxuu hoosta ka xariiqay in Maayar Cabdikariin astaan u yahay isbedelka bulshadu kaga guurayso nidaamka qabyaaladeed, uguna guurayso aqoonta iyo waxqabadka, sidaas daraadeed loo baahanyahay in shacabku garab siiyaan rajadaas oo ay noqon mid dhimata.

“Dadka wada milgaha leh waxaan ku dhex arkay maayarka magaalada Hargesa, cabdikariin Axmed Mooge, waxaan rabaa laba eray inaan u idhaahdo maanta oo ummadda Somaliland meel kastoo ay joogto aan u odhanayo.
Cabdikariin wuxuu dhaxlay magaalo shacabkii Somaliland boqolkiiba 70 in ku dhow ay ka soo baxeen dalka intiisa kale oo Hargeysa isugu yimaadeen, waa dhaqan xun waayo Afrikaanku magaalo iyo dal keliya weeye.
Cabdikariin wuxuu dhaxlay magaaladii sharafta iyo karaamada u ahaan lahayd iyo magaceena Somaliland oo dhulka taalla.
Cabdikariin wuxuu dhaxlay magaalo biyihii meel ay maraan intay waayeen ay laamiyada dhexdeeda qulqulayaan.
cabdikariin wuxuu dhaxlay qashin ciiddaa ka badan oo nadaafadeedu aad u xuntahay. Cabdiariin wuxuu dhaxlay magaalo waddooyinkii oo dhan inta la dhisay gaadhigii meel uu maro waayay oo wadada dhexdeeda ay tubanyihiin oo gidaarka kuugu dhow saacado ay kugu qaadato.
Cabdikariin wuxuu dhaxlay magaalo daantaa iyo daantaa haddii uu roob da’o aan isku tallaabi karin. Cabdikariin wuxuu dhaxlay meel aad iyo aad u culus sidii midho looga dhaliy.
Cabdikariin laakiin wuxu ku yimi albaab cusub oo Somaliland u furmay oo ah codkii ummadda Somaliland, Barkhad oo saaxiibkii ah oo ag jooga waa astaamaha rajada muujinaya in ummaddu ka soo korayso oo yaa wax qaban kara? yaan rajadeena saaraanaa.
cabdikariin markaa hadduu  fashilmo, waxaa fashilmay rajadii isaga iyo Barkhad ku yimaadeen eee ummaddii jeclayd inay ka guuraan qabiilka oo u guuraan sumad ka guuraan inay halkaa.markaa waxa lagaa sugayaa waa wax aad u culus, waxa kuu yaalaana waa wax aad u culus, Ilaahayna waxaan kaaga baryayaa inuu kula qabto.
Shacbi weynaha Somaliland waxaan odhan lahaa ‘qof keligii wax ma dhiso’ hadad aragtay dal qiimo leh, meel qiimo leh, shacbigiisa aragti iyo karaamo leh.”