Ciidammada Itoobiya iyo Suudaan oo ku dagaallamay xuduudka labada dal

Khartuum -(Berberanews)-Dagaal u dhexeeya ciidammada dawladaha Sudan iyo Itoobiya, ayaa ka dhacay xuduudka ay wadaagan labada dal ee deriska ah gelinkii hore ee maanta.
Dagaalkan ayaa ka dhacay dhulka muranku ku jiro ee ay dhowaan Sudan ka qabsatay Itoobiya.
Khasaare nafeed ayaa jira, sida ay ku warrameen ilo xog-ogaal ah.

Aagga dagaalku ka bilaabmay ayaa u dhaw goobta xuduudka saddex xagalka ah ee kulmiya dalalka Sudan, Eritrea iyo Itoobiya, taas oo dagaalka weji kale u yeeli kara.