China oo la wareegtay Entebbe, wakhti Somaliland furtay Berbera Airport

Uganda-(Berberanews)-Dawladda Shiinaha ayaa sheegtay in ay la wareegayso Garoonka Caalamiga ah ee Entebbe International Airport oo ku yaal caasimadda Uganda ee Kampala, kadib markii dawladda dalkaasi iska bixin kari weyday daynta Shiinuhu ku leeyahay.
Bangiga Exim Bank oo ay leedahay dawladda Shiinaha, ayaa sheegtay in Uganda ay bixin kari weyday dayn ah $207 milyan.

Heshiiska ayaa ahaa in Uganda laba qaybood u bixiso daynta, laakiin xukuumadda Kampala ayaa ku guuldarraysatay in ay bixiso dayntaas.

Dhismaha Berbera International Airport oo ay ku baxday $50 milyan oo doollar, ayna dhistay dawladda Imaaraadka Carabta, ayaa qayb weyn ka qaadanaya daabulka alaabooyinka iyo dadka u kala gooshaya Afrika iyo Bariga Dhexe, waqti Shiinaha uu la wareegay Entebbe International Airport ee caasimadda dalka Uganda.