Wasiirkii hore ee Difaaca Ingiriiska oo ku biiray ololaha aqoonsiga Somaliland

London-(Berberanews)-Wasiirkii Hore ee Difaaca Boqortooyada Ingariiska Gavin Williamson, ayaa ugu baaqay dawladda Ingariiska in ay aqoonsato Madaxbannaanida Somaliland.

Williamson waxa uu sheegay in aan indhaha laga qarsan karayn xaqiiqooyinka u dhaxeeya Somakia iyo Somaliland, wakhtigana  ay bilaabmeen dabaylaha aqoonsiga loogu raadinayo Somaliland.

“Wakhtigan, Somaliland waxa ay u ekaatay sidii ay ahayd Palestine 1988, markaas oo India ay siisay aqoonsi buuxa, ka dib dadaal aad u badan oo ay sameeyeen siyaasiyiinta Palastine.”

Waxa dalalka Maraykanka socdaal ku jooga wefti ka socda Somaliland oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Debedda iyo la taliyaha madaxweynaha ee aqoonsi-raadiska Dr Edna Aden Ismaaciil.