Ciidammada Itoobiya oo markale duqayn cirka ah ka fuliyey magaalada Maqalle maanta

Maqalle  -(Berberanews)-Ciidammada dawladda Itoobiya, ayaa markale duqaymo dhanka cirka ah ka  fuliyey magaalada Maqalle ee caasimadda degaanka Tigray maanta, sida ilo xogogaal ah warbaahinta u xaqiijiyeen.
Duqayntan oo ay fulinayeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Droneska, ayaa la sheegay in lala eegtay guryo  laga maqnaa oo aan wax dad ah ku jirin, kuwaas oo uu gaadhay burbur xoog leh.
Afhayeenka TPLF, Getachow Reda ayaa inta badan dawladda Itoobiya ku eedeeya inay duqayso xaafado ay deggan yihiin dad shacab ah oo aan waxba galabsan, halka dawladduna sheegto in duqaymaha lala beegsado goobo cayiman oo xarumo u ah kooxda TPLF, iyadoo maalmihi Sabtidii iyo Axaddii toddobaadkan ay sidan oo kale duqayn uga dhacday magaalada Maqalle.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka dawladda Itoobiya oo ku saabsan duqaynta dhinaca cirka ee ka dhacday magaalada Maqalle maanta.