Somaliland oo Olole culus Ictiraaf Raadin ah ka wadda Maraykanka iyo Ingiriiska + diblomaasiyiin caalami oo gacan ka siinaya

Washington-(Berberanews)-Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa caasimadda dalka Mareykanka ee Washington, ka hor intii aanay u duulin dhinaca waddanka Ingiriiska, waxay kulan la qaatay Safiirkii hore ee dawladda Mareykanka u qaabilsanaa Gobolka Saahil ee Afrika, Ambassador J. Peter Pham.
Weftiga Somaliland oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Ciise Kayd Maxamuud, kana mid yihiin marwo Edna Aadan iyo Wakiilka Somaliland ee Mareykanka waxay ka wada-hadleen dadaallada ictiraaf raadinta.
Ambassador J. Peter Pham oo inta badan ka hadla arrimaha khuseeya qaddiyadda Ictiraaf-raadinta Somaliland iyo siday Somaliland xaq ugu leedahay inay Beesha Caalamku aqoonsato, ayaa halkaa kulan soo dhaweyn ah kula yeeshay wefdiga ka socda Somaliland.
“Waan ku faraxsanahay inaan la kulmo weftiga Jamhuuriyadda Somaliland ah oo booqasho ku tegay Washington, kuwaas oo ay ku jiraan Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Ciise Kayd, Wasiirkii hore ee Arrimaha dibedda Somaliland Dr. Edna Aadan iyo Wakiilka Somaliland ee Maraykanka,” ayuu Peter Phamku yidhi qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.
Waxa uu sheegay in caalamku si weyn ula habsaamay in uu aqoonsi buuxa siiyo Somaliland.
Weftiga Somaliland ayaa sidoo kale waxay magaalada Washington kula kulmeen Safiirkii hore ee Mareykanka u qaabilsanaa dalalka Gini iyo Ethiopia, Tibor Nagy.
Tibor Nagy ayaa si weyn u soo dhoweeyay weftiga uu hoggaaminayo Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda Somaliland, isagoo guul u rajeeyay dadaallada ictiraaf raadinta ee ay wadaan mas’uuliyiintaas.
Waxa kale oo uu diblumaasigani sheegay in Somaliland tahay meesha keliya ee xilligan uu war wanaagsan ka yimaad, marka la eegayo Afrika, isla markaana uu ka jiro nidaam dimuquraadiyadeed oo nabdoon.
Dadaallada ictiraaf raadinta ee Somaliland oo muddooyinkii dambe uu ka muuqday gaabis badan ayaa xiligan markale ay xukuumadda Muuse Biixi dardar cusub ku bilowday, waxana hadda ka gacan siinaya Ambassador J. Peter Pham, oo isagu inta badan u ololeeya qaddiyadda madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.
Geesta kale, weftiga Wasiirka Arrimaha Dibadda, ayaa ololaha ictiraaf raadinta Somaliland ka wada dalka Ingiriiska oo ay haatan ku sugan yihiin.