Nin kaa Xoog weyn oo Amaah kugu lihi, ku Yeelay!!!

Faalo: Xuseen Cali Nuur

Afrika badankeeda oo ay Jamhuuriyadda Somaliland ka mid tahay, waxa hore u soo maray Gumaysigii reer Yurub oo ay lixdamaadkii qarnigii 20-aad ka xoroobeen. Waxa ugu xigay halgan hubaysan oo ay la galeen Gumaysiga cusub {New Colonialism) oo midabyo kala duwan lahaa oo Somaliland ku hoday midab walaaltinimo.
Qarnigan 21-aad Gumaysiga ka duwan labadii hore ee dunida ku fidaya, dalal badana ay ku hafanayaan, qaar kalena waxyeelo weyn soo gaadhsiiyey waxa ILAAHAY mahaddii ah, in Jamhuuriyadda Somaliland diido inay ka mid noqoto dalalka dabinkaas ku dhaca.
Gumaysiga cusub ee qarnigan ma aha mid la dareemayo. Waa mid loo qaadan karo mid dalka iyo dadka waxtar u leh. Hase ahaatee la dareemo markay waabeydiisu kugu dhammaato oo aan wax laga qaban karaa aanu jirin.
Shirweynihii labaad ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ee la qabtay, wuxuu ahaa mid si wanaagsan u dhacay, isbeddelna ku yimid Hoggaanka xisbigaas. Hase yeeshee khudbaddii furitaanka ee uu ka jeediyey Guddoomiyihii hore ee xisbigaas, maantana ah murrashaxa Madaxweyne ee doorashada soo socota, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ereyo uu yidhi waxaan kula talinayaa Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxay iila muuqdeen kuwo aan laga filayn.
Murrashaxu wuxuu yidhi inuu Xukuumadda Somaliland siyaasadeeda ku waajahan aqoonsi-raadista in aanay dalka Taiwan meel ku lahayn, kuna beddesho dalka Shiinaha oo uu ku tilmaamay inuu kaalin weyn oo waxtar leh ka qaadan doono fagaareyaasha caalamiga ah oo ay ka mid tahay Golaha Amniga ee Qarammada Midoobay oo ay ku leedahay codka didmada qayaxan ee loo yaqaan Veto Power.
Waa aragti oo waa lagu kala duwanaan karaa, hase ahaatee waxa lama iloobaan ah in kal-hore markii ugu horreysay, dalka Shiinuhu soddon sannadood oo xornimo ah kadib, weftigii ugu horreeyey u soo diray Jamhuuriyadda Somaliland.
Muddadaas soddonka sannadood ah habayaraatee dalka Shiinuhu kaalmo bani’aadanimo umay fidinin Jamhuuriyadda Somaliland. Hase ahaatee, weftigani wuxuu ballanqaaday fulinta mashaariic badan oo uu dalka ka qaban doono.

Xukuumadda iyo shacbiga badankiisu balanqaadka Shiinaha umay arag mid kaalmo ah, balse inuu yahay qayb ka mid ah dagaalka uu kula jiro dalka Taiwan oo ah waddan dimuqraaddi ah, ugana baqayo inuu qaaradda Afrika ku fido.

Indheer-garatada dalka waxay ku tilmaamaan in socdaalka Weftigaasi ahaa tab qarsoon oo hubka loo adeegsanayo ahaa AMAAH aan la iska bixin karin. Dalka qaataana ay ku adkaanayso inuu iska bixiyo, ugu dambaynta noqdo la hayste.
Murrashaxa Madaxweyne ee xisbiga WADDANI khudbaddiisa mar qudha kuma xusin dal kale oo caalamiya oo muhiim ah oo raadinta-aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland wax innagala qaban kara. Sidoo kale ma xusin mashaariicda kala duwan ee ku waajahan Caafimaadka, Waxbarashada, Beeraha iyo Tiknoolajiyadda ee ay Taiwan innagu saacidaysay tan iyo markii ay Xafiiska ka furatay Hargeysa sannadkii 2020kii.

Khudbaddaas Murrashaxu wuxuu ku xusay in dalka Shiinuhu ka fuliyey mashaariic horumarineed dalalka Gobolka; sida Itoobiya iyo Jabuuti, wuxuuse iloobay inuu xuso in dalka Itoobiya amaahda uu ku leeyahay ay tahay Sagaal Bilyan iyo 300 oo Milyan oo Doolar ($9,300,000,000) dalka Jabuuti ku leeyahay Hal Bilyan iyo 200 oo Milyan oo doolar ($1,200,000,000), dalka Kenyana uu ku leeyahay Afar Bilyan oo doolar, welibana waxa intaas mid walba u sii dheer lacagta ribada ah ee dul-saarka ku ah daymahaas Shiinaha.
Waxaan leeyahay dalka Shiinaha lama sheegin dal uu ammaahda uu ku yeesho uu ka daayo ama wax ka mid uu ka cafiyo. Dalalka qaamoobayna waxay duruufuhu ku kalifaan inay dhaqangeliyaan arrimo aanay marnaba ku dhaqaaqeen haddaan amaah lagu lahayn.
Waxay ila tahay Jamhuuriyadda Somaliland ILAAHAY baa waafajiyey diidmada ammaahda dhagaraysan. Waxay taasi in shacbi iyo Xukuumadba aanay ogolayn wax xornimadooda dhaawac u geysan kara.
Mowqifkani wuxuu i xasuusinayaa ereyadii halgamaayadii caanka ahaa ee Afrika, mid ka mid ahi yidhi markii Gumaysiga Yurub lala dagaalamayey “Kun Sanno oo aan ku noolahay nolol Ey, waxaan ka door bidayaa maalin aan ku noolaado nolosha libaaxa.”
Faalo: Xuseen Cali Nuur, Hargeysa, Somaliland.