Muxuu yahay heshiiska ay wada gaadheen Moroco iyo Israel?

Moroco-(Berberanews)-Israa’iil iyo Marooko waxa ay kala saxeexdeen heshiis taariikhi ah oo aas-aas u ah iskaashiga amniga, wadaagga sirdoonka, iyo iibinta hubka mustaqbalka.

Heshiiskii is-afgaradka ahaa ee dhexmaray Wasiirka Difaaca Israa’iil Benny Gantz iyo dhiggiisa Morocco Abdellatif Loudiyi ayaa Arbacadii lagu saxeexay magaalada Rabat, taasoo qayb ka ah booqashadii ugu horreysay ee rasmi ah oo wasiirka gaashaandhigga Israa’iil uu ku tago mid ka mid ah waddamada Carabta ee caadiyeeyay xidhiidhka sannadkii hore.

Marooko, Imaaraadka Carabta, Baxrayn iyo Suudaan ayaa sanadka 2020-ka  saxeexay heshiisyo lagu caadiyeynayo xidhiidhka ay la leeyihiin Israa’iil, taasoo qeyb ka ah heshiiskii Abraham, oo uu gadhwadeen ka ahaa maamulka Trump.

Bayaan uu soo saaray, Gantz wuxuu ku sheegay in heshiisku ahaa “mid aad muhiim u ah wuxuuna noo ogolaanayaa inaan is dhaafsano fikrado, oo galno mashruucyo wadajir ah oo aan awoodno inaan usoo dhoofino agabka militariga Israel halkan.

Gantz waxa kale oo uu la kulmay taliyaha guud ee ciidamada Morocco, waxaanu salaan ka qaatay askarta ilaalada midabada leh oo ku labisan khamiisyo guduudan, surwaal buluug ah iyo maraqayaal dahab ah oo dhalaalaya.

Israa’iil iyo Marooko waxa ay lahaayeen xidhiidh diblumaasiyadeed oo hooseeya sannadihii 1990-aadkii, laakiin Marooko ayaa go’say ka dib markii uu kacdoonka Falastiin ka qarxay 2000. Iyadoo taasi jirto, haddana labada dawladood waxa ay lahaayeen xidhiidh aan toos ahayn.

Ku dhawaad ​​nus milyan Israa’iiliyiin ah ayaa sheeganaya in asalkoodu kasoo jeedo Morocco, kana  badan yihiin 200,000 oo u soo haajiray Israa’iil ka dib markii la aasaasay dawladda 1948-kii.