Ethiopia oo todobaad u qabatay affar dublamaasi inay dalka kaga baxaan

Ethiopia-(Berbernews)-Dowladda Ireland ayaa sheegtay in Itoobiya ay u sheegtay afar ka mid ah lix diblumaasi oo Ireland  ka howlgala safaaradeeda Addis Ababa inay dalka ka baxaan usbuuca soo socda.

Safiirka Ireland iyo xubin kale oo dublamaasi ah ayaa loo sheegay horraantii toddobaadkan inay joogi karaan laakiin kuwa kale ay baxaan, sida lagu sheegay bayaan soo baxay Arbacadii.

“Aad ayaan uga qoomameynayaa go’aankan ay gaadhay dowladda Itoobiya,” ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibadda Simon Coveney, isaga oo intaa ku daray in uu rajaynayo in tallabadaasi ay noqoto mid ku meel gaadh ah.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha Itoobiya.

Coveney waxa uu difaacay mawqifka Ireland ee colaadda joogtada ah ee u dhaxaysa dawladda iyo ciidamada Tigreega, isaga oo sheegay in uu la jaanqaadayo kuwa kale oo ay ku jiraan Midowga Yurub.

Ireland waxa ay saxeexday 5-tii Nofembar warbixin Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ku baaqayay xabbad-joojin ka dhalata dagaalka ka socda waqooyiga dalkaas.

Dowladda Ireland ayaa sheegtay in ay ka dhawaajisay baaqyadii ka soo yeedhay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ee ku saabsanaa baahida loo qabo in si buuxda loo gaadho gargaar bini’aadantinimo, joojinta dagaalka iyo wada xaajood siyaasadeed.