Dalalka muwaadiniintooda kala baxaya Ethiopia oo kordhay

Ethiopia-(Berberanews)-Jarmalka ayaa ku booriyay muwaadiniintiisa Talaadada inay uga baxaan Itoobiya duullimaadyada ugu horreeyay ee ganacsi ee la heli karo, iyagoo ku biiraya Faransiiska iyo Mareykanka oo sidoo kale u sheegay muwaadiniintooda inay si degdeg ah u baxaan, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in muwaadiniinta Jarmalku ay socdal ku mari karaan garoonka caalamiga ah ee Bole ee Addis Ababa.

Dalal ay Canada ka mid tahay ayaa iyaganu toddobaadkii hore ugu baaqay inay muwaadiniintoodu si deg deg ah uga baxaan Itoobiya.

Wadamada Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa iyaguna dhawaan soo saaray tallooyin ay u jeedinayaan muwaadiniintooda ku sugan dalkaasi inay dalkaa isaga baxaan.
Dalka Turkiga ayaa isaguna ka mid ah waddammada muwaadiniintiisa ugu baaqay inay si degdega uga baxaan dalka Ethiopia oo xaalad dagaal ku jira.

Qararmada Midoobay ayaa iyana salasadii sheegtay inay boqolllaal ka mid ah qoysaska shaqaalahooda in laga soo rari doono Itoobiya.

Berberanews.com
Info@berberanews.com