G. Deegaanka Berbera oo xaaladda Cusbitaalka Berbera ku daray ajandaha Kal-fadhiga 4aad

Berbera-(Berberanews)-Golaha Deegaanka Berbera, ayaa kal-fadhigooda 4aad ku soo daray xaaladda Cusbitaalka Magaalada Berbera oo muddooyinkii u danbeeeyay si weyn looga dayrinayay adeegyadiisa iyo duruufoku hadheeyay. Kal-fadhiga 4aad ee Golaha Deegaanka Berbera oo saaka ka furmay Xaruntooda Berbera, ayaa lagu ansixiyay qodobada kal-fadhigooda oo kakooban shan qodob oo uu jiro xaaladda Cusbitaalka Magaalada Berbera.

Maayar abishakuur

Maayarka Berbera, Cabdishakuur Maxamuud Xasan, ayaa sheegay inaanay shaqada Golahooda ahayn Cusbitaalka Berbera, balse haddii Goluhu isku raaco ay u gudbin doonaan wixii tallo iyo tamarba ah Wasaaradda Caafimaadka. “Aad baan ugu faraxsanahay shanta qodob ee ka yimi mudanayaasha Golaha Deegaanka, xaaladda Cusbitaalku waxay ka timi guddi hoosaadka arrimaha bulshada, Cisbitaalka Degmadu inaga doorkeena maaha runtii laakiin haddii uu dayac jiro ama u baahanyahay inaynu gacan ka geysano waa in goluhu go’aan ka gaadhaa, marka uu goluhu soo gudbiyo go’aankiisa ayaynu Wasaaraddii Caafimaadka xidhiidh la yeelan doonaa sidii markaa wixii gol-daloolo ah ee inooga muuqda aynu go’aan uga gaadhi lahayn.” ayuu yidhi Maayar Cabdishakuur.

Xoghayaha Dowladda Hoose ee Berbera Suhayb Maxamed Cali, aya aisna faahfaahiyay qodobada Ajandaha Kal-fadhiga Afraad ee Golaha Deegaanka Berbera “Waxaa uu kalfadhigani ka koobanyahay shan qodob oo kala ah; tayaynta waxbarashada iyo in qaboojiyayaal lagi xidho iskuullada, qodobka labaad oo ah xaaladda Cisbitaalka, fayowdhowrka Dowladda Hoose, qodobka afraad oo ah kor u qaadista ciyaaraha iyo qodobka shanaad oo ah mashaariicda horumarineed iyo jidadka ee 2021kii”