Abbiy Axmed oo u xadhko xidhay Furinta hore ee dagaallada

Ethiopia(Berberanews)Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in uu hoggaamin doono ciidamada dalkiisa “goobaha dagaalka” laga bilaabo salaasada, taasoo ah tallaabo cusub kadib dagaal khasaare badan geystay oo sannad badan socday.

“Waqtigan waa markii loo baahnaa hoggaaminta waddan shuhaado leh ,” ayuu Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ku yidhi hadal uu soo dhigay baraha bulshada habeenkii Isniinta. Iyadoo ciidamada is haya ee Tigray-ga ay ku sii siqayaan caasimadda Addis Ababa, ayaa dowladdiisa waxay ku dhawaaqday xaalad degdeg ah horaantii bishan.

Qiyaastii tobanaan kun oo qof ayaa lagu dilay dagaalka u dhaxeeya ciidamada Itoobiya iyo kuwa isbaheysiga ah iyo dagaalyahannada ka soo jeeda waqooyiga gobolka Tigray ee dalkaas, kuwaas oo muddo badan gacanta ku hayay dowladda qaranka ka hor intii aanu Abiy xilka qaban.

Maraykanka iyo kuwa kale ayaa ka digay in dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika uu jabiyo xasiloonida Geeska Afrika. Hadalka Ra’iisul Wasaaraha oo ahaa Askari hore, ma sheegin halka uu sida saxda ah tegi doono salaasada.