Xukuumadda Somaliland oo shaacisay dhaqaalaha ku baxay dhismaha Madaarka Berbera

Hargeysa-(Berberanews)-Maareeyaha Hay’adda Madaarrada iyo Duullimaadyada Jamhuuriyadda Somaliland Md Cumar Cabdillaahi (Cumar-sayid), ayaa sheegay in mashruuca horumarinta ee Madaarka Berbera ay dawaladda Imaaraadka Carabta ku bixisay lacag gaadhaysa 55 million oo dollarka Mareykanka ah.
“Mashruuca Horumarinta Madaarka Berbera ee madaxweyne Muuse xadhigag ka jaray waxa ku baxday adduun lacageed oo dhan 55 million dollar oo ay dhammaanteen bixisay dawladda Imaaradka Carabta. Mashruuca qaradaas leh iyo horumarka intaa le’eg ee ummaddan u soo kordhay, ayaa shacbiga Somaliland iyo madaxweynahooduba u dabbaal dagayeen.”
Maareeyuhu waxa kaloo uu ka hadlay eedaymo madaxda xisbiyada mucaaradku u jeediyeen madaxweyne Muuse Biixi.
“Waxaan arkayaa qoladii mucaaradka oo khudbaddii madaxweynaha ka samri waayay. Horta Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ee cusub laba jeer ayuu soo hadlay ilaa intii xafladda ka dambaysay, musharaxii xisbigaas odaygii Cirro na isna waa soo hadlay.
Qaar badan oo kale oo iyaguna weli samri la’ ayaa jira oo wali hadlaya.
Waxaan leeyahay qolada mucaaradka gaar ahaan xisbiga WADDANI goolkaasi wuu idinka dhashay, waayo waxaad tihiin oo shacbiguna idiin oghayay xisbigii ka soo horjeeday mashaariicda horumarineed ee Somaliland iyo Imaaraadka ku heshiiyeen.
Markaas maanta waa gartiin inaad iska soo daba hadashaan, kol haddii aydaan intood umada hor timaaddaan khaladkii aydaan raalligalin ka bixinayn.
Siduu sheegay guddoomiye Faysal raalligalinta Cirro qarsoodiga ku bixinayo shacbiga Somaliland ayaa u baahan in la raalligaliyo,” ayuu yidhi Maareeye Cumar-sayid.