Xisbiga WADDANI oo markale u jawaabay Madaxweyne Biixi

Hargeysa-(Berberanews)-Masuulkii saddexaad ee madaxda ugu sarreeya xisbiga mucaaradka ee WADDANI, ayaa ka jawaabay eedaymo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ugu jeediyey xisbigaas khudbaddiisii furitaanka Madaarka Berbera horraantii toddobaadkan.
Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi, ayaa qoraal uu soo saaray maanta waxa uu sheegay in Madaxweyne Biixi u qaadan waa ku noqotay in Xirsi Cali Xaaji Xasan noqday Guddoomiyaha Waddani, Cabdiraxmaan Cirro-na ka tanaasulay inuu u tartamo.
“Waxa la furay Garoonka Diyaaraddaha ee Berbera, oo xukuumaddii Siillaanyo soo bilowday, anigu waxan moodayey in la furay 2014-kii, laakiin Muuse iskaga ceshay mar labaad, sidii riwaayadihii. Waxa ka baqayaa in meelihii Siillaanyo hore u furay in liiskoodii la soo qaato in dib loo furo. Odayga (Madaxweyne Muuse Biixi) waxay xafladdu ka xumaatay oo uu firkanaxay markii uu arkay Xirsi oo Guddoomiye Xisbi ah oo soo hor fadhiya. Markaa Madaxweynaha xafladdii Xirsi ayaa ka jiidhay, maxaa weli uu u qaadan la’yahay Xirsi ayaa Gudsoomiye ah, xataa waxaan maqlay in maalintii Cirro sheegay in aannu tartamayn, warkaasi Madaxtooyada uu geli waayey, markaa warkaasi dorraad ka hor ma gelin Madaxtooyada Guddooniyenimada Xirsi.,” ayuu qoraalkiisa ku soo afmeeray xoghaye Khadar Hussein Abdi.