Raysal-wasaare Hamdok oo taladii Sudan lagu soo celiyay ka dib heshiis dhexmaray Milateriga

Sudan-(Berberanews)-Taliyaha militariga Sudan ayaa Axadii dib u soo celiyay Abdalla Hamdok ra’iisul wasaarihii dalkaas, ku dhawaad ​​bil kadib markii xilka ay ka tuureen militarigu.

Gen. Abdel Fattah Al-Burhan ayaa la soo muuqday Xamdok oo ka qeyb galay xaflad heshiis lagu kala saxiixday oo ka dhacday Madaxtooyada, sida uu sheegay muuqaal toos ah oo laga sii daayay Telefishinka Qaranka.

Heshiiska ay ku heshiiyeen Xamdook iyo Al-Burhaan waxa kale oo ka mid ah in la sii daayo maxaabiista siyaasadda ee u xidhan afgambigii October 25, sida uu sheegay Mudawi Ibraahim, oo ah sarkaal caan ka ah Hindisaha Ciidammada Qaranka, kaas oo gacan ka geystay dhexdhexaadinta wada-hadallada.

Hamdok ayaa mar kale noqday hogaamiyaha dowladda ku meel gaarka ah, taasoo markii ugu horeysay la dhisay ka dib markii xukunka laga tuuray madaxweynihii hore ee Cumar Al-Bashiir 2019.

Xamdook iyo Al-Burhaan ayaa sidoo kale ku heshiiyay awood qeybsi oo dhexmara madaxda rayidka iyo militariga iyo dib-u-qaabayn aan wali la cayimin, sida uu qabo Ibraahim.

Ibraahim wuxuu sheegay in heshiiska Xamdook uu la galay Al-Burhaan ay ka mid yihiin tallaabooyinka soo socda:
[  ] Gen. Burhaan ayaa soo celin doona golihii Wasiirada ee la kala diray kadib afgambigii 25-kii October. Maxaabiista siyaasadeed ee la xidhay xukunka kadib (ay ku jiraan dawladda, siyaasiyiinta iyo mudaharaadayaasha) waa la sii dayn doonaa.
[  ] Ciidan midaysan ayaa la abuuri lahaa. Waxaa lagu wadaa in la sameeyo guddi soo baara mudaaharaadyadii ka dambeeyay afgambigii 25-kii October.
[  ] Dastuurka Suudaan ayaa wax laga beddelayaa si loogu daro qodobbo cusub oo si gaar ah u qeexaya iskaashiga ka dhexeeya rayidka iyo militariga dowladda ku meel gaadhka ah.