Ethiopia oo heshay aataar ka maqnayd qarni iyo badh

Ethiopia-(Berberanews)-Ka dib qarni iyo badh lagu qariyay meelo gaar ah, 13 qalab aataara oo Itoobiya laga xaday ayaa ugu dambayntii dib ugu soo laabtay dalkooda ka dib wada xaajood ah muddo qaatay.

“Taariikhda ilbaxnimo ee soo jireenka ah ee dalkayaga, agabka farshaxan, aqoonga waddaniga ah, dhaqanka… waxaa lagu bililiqaystay dagaal, waxaana lagu tahriibin jiray si sharci darro ah,” ayuu yidhi wasiirka dalxiiska Itoobiya, Nasise Challa.

Alaabtan oo ay ka mid yihiin iskutallaab si aad ah u dabooshay, Triptych midabkiisu qani ah oo muujinaya iskutallaabta Ciise, iyo gaashaanka boqortooyo ee casaanka iyo naxaasta ah ee la qurxiyey, ayaa qayb ka ah falkii ugu weynaa ee dib u soo celinta taariikhda Itoobiya, sida ay saraakiishu sheegeen.

Agabkaan waxaa la qaaday 1868 kadib dagaalkii Maqdala ee dhexmaray boqortooyooyinkii Ingiriiska iyo Itoobiya. Qaar ka mid ah walxaha ayaa lagu soo bandhigay xaraash gudaha Ingiriiska bishii June oo uu bixiyay qof si gaar ah u iibiyay oo ka soo jeeday askari British ah oo kasoo dagaalamay Maqdala.

“Waxaa jira agabyo badan oo laga dhacay Maqdala” ayuu yidhi Teferi Meles oo ah safiirka Itoobiya u fadhiya Boqortooyada Ingiriiska, halkaas oo ay ku jireen hanti badan.
“Waanu awoodi kari waynay inaan soo wada celino dhamaantood, laakiin tani waa markii ugu horeysay taariikhda dalka in la soo celiyo agabka la bililiqaystay tiradan.”

Dhowr walxood oo ka mid ah waxaa la soo wareegay The Scheherazade Foundation, oo ah hay’ad aan faa’iido doonka ahayn, waxaana loo gudbiyay safaaradda Itoobiya bishii Sebtembar.

Dhammaadkii todobaadkan ayaa lagu soo celiyay Addis Ababa, waxaana lagu soo bandhigi doonaa madxafyada Itoobiya. Laakiin shaqadu wali ma dhawa, ayay saraakiishu sheegeen. “Waxaan bilownay wadahadalo aan la galnay Madxafka Britiain si aan u soo celinno 12 tabbood,” ayuu yidhi Teferi.

“Waxaan rumeysannahay inaan ku guuleysan doono soo celinta, wada-xaajoodyaduna way sii socon doonaan, iyadoo ay jiraan agab kale oo dibadda ah,” ayuu yidhi Teferi.

Matxafka British-ka ayaa sheegay in ay wadahadallo niyad-sami ah la yeesheen wafdi ka socda Itoobiya bishii Sebtembar, waxayna xuseen “Madxafku wuxuu xidhiidh saaxiibtinimo oo fog la leeyahay Matxafka Qaranka ee Addis Ababa iyo Kaniisadda Ortodokska ee Itoobiya ee London iyo Itoobiya.”