“Caalamku wuu ka daahay in la aqoonsado Somaliland” J. Peter

“Caalamku Wuu Ka Daahay In La Aqoonsado Xaqiiqada Madax-Banaanida & Dimuqraadiyadda Somaliland…” Safiirkii hore Oo Maraykan Ah

USA (Berberanews) – Safiirkii hore ee Dawladda Maraykanka u qaabilsanaa Gobolka Saahil ee Afrika Ambassador J. Peter Pham, ayaa Magaalada Washington ee Caasimadda Maraykanka kulan kula qaatay Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud.

Ambassador J. Peter Pham oo inta badan ka hadla arrimaha khuseeya Qadiyadda Ictiraaf-raadinta Somaliland iyo siday Somaliland xaq ugu leedahay inay Beesha Caalamku aqoonsato, ayaa halkaa kulan soo dhaweyn ah kula yeeshay Weftiga ka socda Jamhuuriyadda Somaliland.

Ambassador J. Peter Pham oo barta uu ku leeyahay Twitter-ka ku baahiyey qoraal, ka dib kulanka uu la yeeshay Weftiga Somaliland wuxuu yidhi  “Waan ku faraxsanahay inaan la kulmo wefti Jamhuuriyadda Somaliland ah oo booqasho ku jooga Washington, kuwaaso oo ay ku jiraan Wasiirka Arrimaha dibedda Dr. Ciise Kayd, Wasiirkii hore ee Arrimaha dibedda Somaliland Dr. Edna Aadan & Wakiilka Somaliland ee Maraykanka.”

Peter Pham wuxuu qoraalkiisa ku sheegay in Somaliland uu la daahay Aqoonsi uu siiyo Somaliland “Caalamku wuu ka daahay in la aqoonsado xaqiiqada madax-banaanida & dimuqraadiyadda Somaliland.” Ayuu yidhi.

Dhinaca kale, isla Magaalada Washington waxa Wasiirka Arrimaha dibedda iyo Weftigiisa ku qaabilay Safiirkii hore ee Maraykanka u qaabilsanaa Dalalka Gini iyo Itoobiya Tibor Nagy.

Tibor Nagy wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu la kulmay Wasiirka cusub ee Arrimaha dibedda Somaliland, isagoo u rejeeyay inuu ku guulaysto dedaalladiisa aqoonsi raadinta ah.

Waxa kale oo uu diblumaasigani sheegay in Somaliland tahay meesha keliya ee xilligan uu War wanaagsan ka yimaaddo, marka la eegayo Afrika

@Geeska Afrika