Alshabaab oo sheegtay qarax lagu dilay Agaasimihii Radio Muqdisho, uguna aargudeen Xasan Xanafi

Muqdisho(Berberanews)-Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay masuuliyadda dilka Agaasimihii Idaacadda Radio Muqdisho, Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Afrika oo lagu khaarijiyey weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho caawa.
Bayaan lagu daabacay warbaahinta faafisa wararka Alshabaab, ayaa lagu sheegay dilka Cabdicasiis Afrika in loogu aarguday rag badan oo ka tirsanaa Alshabaab oo uu ka mid yahay Xasan Xanafi.
Alshabaab ayaa sheegay in weerarkaasi ahaa camiliyad ishtish-haadi ah, waxayna xuseen inay muddo dheer ku raad joogeen sidii ay mar un u soo afjari lahaayeen noloshiisa.