Agaasimihii idaacadda Radio Muqdisho oo lagu dilay qarax gaadhiga loogu xidhay

Muqdisho-(Berberanews)-Allaah ha u naxariistee agaasimihii Idaacadda Radio Muqdisho marxuum Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Afrika, ayaa lagu dilay qarax gaadhigiisa loogu xidhay oo ka dhacay magaalada Muqdisho goor dhoweyd.
Sidoo kale, waxa qaraxaas ku dhaawacmay Wararka agaasimaha Telefishinka Qaranka Soomaaliya, Sharmaarke Maxamed Warsame oo la socday weriye Afrika, kaas oo la sheegay in xaaladdiisu culus tahay.
Weriye Cabdicasiis Afrika, ayaa u geeriyooday dhaawac halis ah oo ka soo gaadhay qaraxa gaadhiga loogu sii xidhay, sida ay sheegeen masuuliiyiin ka tirsan dawladda Soomaaliya.
Cabdicasiis Afrika, wuxuu sidoo kale ahaa soo saarihii barnaamij la yidhaa Gungaadh oo lagu waraysan jiray dagaallamayaasha Alshabaab ee dawladdu gacanta ku dhigto, wuxuuna bartilmaameed weyn u ahaa kooxdaas.
Dhinaca kale, qarax labaad oo sida warar hordhac ah sheegeen uu fuliyey qof isku xidhay walxaha qarxa ayaa ka dhacay makhaayad lagu shaaha laga cabbo oo ku taal badhtamaha Muqdisho daqiiqado kadib qaraxa lagu bartilmaameedsaday saraakiisha warbaahinta dawladda Soomaaliya.
La soco khasaaraha qaraxyadaas oo faahfaahsan….