Maxay tabanayaan askarta ka goosatay ciidanka Qaranka Somaliland?

Buuhoodle-(Berberanews)-sodomeeyo askar oo ka tirsanaa ciidammada Qaranka Somaliland ee Gobolka Sool ayaa u goostay dhinaca Buuhoodle, kuna dhawaaqay inay ku biireen SSC.

Ciidankan oo wata saddex baabuur oo tikniko ah, ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Buuhoodle, halkaasoo ay kaga hadleen sababaha ku kelifay inay soo goostaan iyo tabashooyin ay tirsadeen.

Taliyaha ciidammadan wata oo lagu magacaabo Baashe Cabdillaahi Yuusuf in go’aanka ay kaga tegeen Somaliland uu yahay dhawr qodob ay ka mid yihiin cadaallad darro ay ka tirsadeen askari beeshooda ah oo Adhi Caddeeya lagu dilay.

Baashe oo sababaybaya qodobada ku kelifay tallaabada ay qaadeen ayaa yidhi,
“Go’aannadaan kaga soo baxnay, kow horta dadkaa Sool, Sanaag iyo Cayn maaha Somaliland ee waa dad deegaankooda iyo dalkooda lagu soo duulay oo ay haysato SNM, kuna haysato xukun ku sheeg.
Sidaa daraadeed markaanu aragnay Somaliland inaanay ahayn wax noo cuntamay.
Ta kale nimanka waxaa na dhexmaray colaad mudaba taagnayd oo ah askari lagaga dilay Adhi Caddeeye oo loo dilay si ku talogal ah, sarkaal baa dilay saddex xidig le ah oo booliska ah, oo Muuse Biixi ay ilmaadeer yihiin.

Markii maxkamada la saaray waxa lagu xukumay diyo ah 100 halaad, halka sharcigu ahaa in askarigii dila askari lagu xukumo dil toogasho ah, maxkamadaa waanu ka biyo diidnay, odayaashayadu way ka biyo diideen.”ayuu yidhi Baashe Cabdillaahi.

Baashe waxa uu intaa ku daray oo yidhi, “Hargeysay tegeen waxaa nalagu yidhi 15kun oo dollar oo diyo aan dhamaystirnayn baan idiin haynaa oo ay bixibayso Somaliland, taas anagoo ka gadoodnay kana colaad qabna oo aanu damacnay ninkii inaan xabsiga kala soo baxno markii danbena aanu u tudhnay dalka iyo dadkayaga iyo maatida Gobolka Sool, ayaanu is nidhi ha werwerina hadeer ee u kaadiya.”

Baashe wuxuu sharraxay Guutada uu ka tirdanaa sumadeeda “Ciidamada aan wataa waxay ka tirsanayeen guutada 151aad, waxayna usoo diga rogteen ciidanka SSC ee Cayn, tirrada ciidanku waa 200, gaadiidku waa 10 tikniko ah, waxaana jiri doona 3 qori oo halkan lagu soo bandhigi doono oo ay naga curyaamisay mamul ku sheega SNM” Baashe Cabdillaahi Yuusuf oo ah taliyaha ciidanka goostay ayaa sida yidhi.

Baashe wuxuu xusay in maanta laga bilaabo ay u shaqaynayaan SSC.
“Maanta go’aan kayagu wuxuu yahay in aanu u shaqayno dadkayaga  iyo dalkayaga, una shaqayno SSC, oo aanu ugu shaqayno si hagarla’aan ah, caddaalad ah iyo sinaan ah, waxaanu uga soo go’nay madama oo dadka Sool, Sanaag iyo Cayn dagaa aanay Somaliland ahayn oo ay yihiin dad Somaliland kusoo duushay” ayuu yidhi Baashe.

Berberanews.com
Info@berberanews.com