Ciidammada Uganda oo toogtay 5 qof oo tuhunno argagixiso looga shakiyay

Kambala-(Berberanews)-Booliska Uganda ayaa toogasho ku dilay 5 qof oo lagi tuhmay argagixiso, sida ay saraakiishu sheegeen, kadib weeraro mataano ah oo ismiidaamin ah oo ay sheegatay kooxda ISIL (ISIS),  kuna dhinteen saddex qof.

Saraakiisha la dagaalanka argigixisada ee galbeedka dalka ayaa ku dilay Ntoroko “afar qof oo looga shakisan yahay argagixisnimo oo dib ugu laabanaya DRC”, afhayeen u hadlay booliiska Fred Enanga ayaa shir jaraa’id ku sheegay Khamiistii.

Ninka shanaad, Sheekh Abas Muhamed Kirevu, ayaa lagu dilay meel u dhow caasimadda, isagoo isku dayayay inuu ka baxsado xadhig, ayuu yidhi Enanga, isagoo intaa ku daray in Kirevu uu ahaa hoggaamiye Islaami ah oo maxalli ah oo mas’uul ka ahaa dib u soo kicinta unugyada argagixisada ee Kampala.

Booliska ayaa sidoo kale xidhay 21 tuhmane oo qeyb ka ah howlgallada ka dhanka ah Allied Democratic Forces (ADF) oo ah koox hubeysan oo ka howlgasha bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo oo lagu eedeeyo inuu xidhiidh la leeyahay ISIL.

ADF, oo taariikhiyan ka tirsan jabhadda Uganda, ayaa lagu eedeeyay inay kumannaan rayid ah ku dileen bariga DRC.

Qaraxyadii salaasadii ka dhacay caasimadda Kampala ayaa dhacay daqiiqado gudahood, iyadoo labo qof oo is-qarxiyay oo watay mootooyin loo soo ekeysiiyay kuwa taksiyada loo yaqaan ‘Boda boda” ay ku qarxiyeen qalab meel u dhow baarlamaanka, halka weerarka saddexaad uu beegsaday bar koontarool oo ku dhow saldhigga dhexe ee booliiska.

Labada weerar oo ay ku dhinteen ugu yaraan 3 qof, 33 kalena ay ku dhaawacmeen, ayaa ahaa kuwii ugu dambeeyay ee weeraro xidhiidh ah oo ka dhacay dalka Uganda.

Berberanews.com
Info@berberanews.com