Blinken: Ma jirto xal ciidan oo lagu xalinayo caqabadaha ka jira Itoobiya

Ethiopia(Berberanews)-Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa Jimcihii ka digay in dagaalka ka socda Tigray uu Itoobiya geliyey “dariiqii burburka” kaas oo laga yaabo inuu ka faafo bariga Afrika oo dhan.

Mr Blinken wuxuu sheegay in hoggaamiyaha dalkaas, Abiy Axmed, ay waajib ku tahay inuu guto “mas’uuliyadda saaran” oo uu soo afjaro rabshadaha gobolka.

Blinken oo u waramayay CNN isagoo ku sugan magaalada Abuja ee dalka Nigeria oo ku guda jira socdaalka uu ku marayo qaarada Afrika ayaa waxa uu yidhi “waa lama huraan in dagaalku uu istaago, oo hadalku bilaabmo” wuxuuna ku celceliyay baaqiisa ku aadan xabad joojin waqti dheer ah si loo suurtageliyo gargaarka bini’aadantinimo.

“Tani waa inay sida ugu dhaqsaha badan u dhacdaa – maalin kasta oo ay dhaafto, waxa aan aragnaa waa korodhka xiisadaha beeleed oo runtii halis u ah inay kala go’yaan dalka oo ku qulqulaan dalalka kale ee gobolka,” ayuu yidhi.

Blinken ayaa ku booriyay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed inuu isu keeno dhinacyada is haya oo uu ka shaqeeyo sidii loo “joojin lahaa rabshadaha,” isagoo raaciyay: “Taasi waa mas’uuliyadda saaran hoggaanka dalka.”

“Ma jirto xal ciidan oo lagu xalinayo caqabadaha ka jira Itoobiya,” ayuu yidhi. “Taasi waa dariiq burbur u ah dalka, iyo darxumo u soo hoyatay shacabka Itoobiya oo mudan in wax badan ka sii wanaagsanaadaan.