Safarka Biixi ee Saaxil, Baahiyaha Dacarbudhuq iyo ballanqaad furan

Berberanews-(Berberanews)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta safar ugu kicitimay Magaalo-madaxda Gobolka Saaxil ee Berbera.

Madaxweyne Biixi oo safarkiisa ku weheliyeen masuulliyiin kasoo jeeda Gobolka Saaxil iyo Saraakiil dowladda ka tirsan ayaa salka ku haya furitaanka Garoon-diyaaradeedka Berbera oo ay dub u dhis ku samaysay dowladda Imaaraadku.

Madaxweynaha wuxuu sii maray degmooyinka u dhexeeya Berbera iyo Hargeysa oo cadceedda la sii tubay dadka deegaannadaas ku nool si ay u soo dhaweeyaan, waxaana hawshaas isku duba riday Masuulliyiinta Saaxil ee jecel guul-wadaynta.

Odayaasha iyo masuulliyiinta Degmada Dacar-budhuq, ayaa madaxweynaha hordhigay baahiyaha aas-aasiga bulshada ee degmadu ka arradantahay kuwaasoo ay ugu horeeyaan caafimaafka, waxbarashada iyo Biyaha.

Madaxweynaha Somaliland oo ka jawaabayaba baahiyahaas ay degmadu qabto, ayaa hadalkiisa ku soo gunaanaday inaanu hal mar wax ka wada qaban karin ee mid ka mid ah baahiyaas ku dedaali doono.

Madaxweynaha oo ka jawaabaya baahiyahaas, ayaa yidhi, “Aad iyo aad baad ugu mahadsantihiin, gelinkaa danbe, cadceeddaa kulul iyo soo dhawayntaas. Odayaasha iyo madaxda degmadu codsiyadii ay soo jeediyeen waa sadex; waa biyo, caafimaad iyo tacliin, sadexdaba waa loo baahanyahay. Hawsha adduunyada waa tiro sagaala oo ma tobnowdo, kolba tallaabaynu qaadaynaa biyuna waa kow, hawlahana kalena waa kow iyo sadex.”

Su’aashu waxay tahay affar sano oo Madaxweyne Biixi xilka hayay wuxuu u qaban waayay dacarbudhuq ma kula tahay sanadka u hadhay inuu u qaban doono?