TPLF oo qabsaday magaalo 260Km u jirta Addis Ababa

Ethiopia-(Berberanewa)-Ciidammada Tigreega ayaa qabsaday deegaanno ka mid ah Gobolka Shawa oo 260Km u jira Caasimadda Ethiopia ee Addis Ababa.

Sida ay baahisay Wakaallada wararka ee Alcarabiya, xoogaga Tigeega ee u sii jeeda dhanka caasimadda ayaa guullo cusub kasoo hooyay dagaalka, ka dib markii ay qabsadeen magaalada Senbette oo ka tirsan Gobolka Shawa.

Dagaalyahannada Tigreega ayaa barahooda bulshada soo dhigay qabsashada deegaannada cusub ee u dhow caasimadda, sidoo kalena waxay sheegeen inay horumar ballaadhan ka gaadheen goobaha dagaalka.

Cutubyo kale oo ka tirsan ciidammada Tigreega ayaa u dhaqaaqay dhanka jahada Bari, kuwaasoo doonaya inay jaraan dariiqa weyn ee isku xidha dekedda Djibouti iyo Ethiopia oo ah marinka qudha ee gaadiidku adeegsadaan, halka dariiqa labaaad uu yahay wadada tareenka ee isku xidha addis Ababa iyo Djibouti, siina maro magaalada Diri-dhaba.