Tirada dadka lagu dilay Qulqulatooyinka Sudan oo kor u kacday

Sudan(Berberanews)-ciidamada ammaanku toogasho ku dileen ugu yaraan 14 qof ayna ku dhaawacmeen tobanaan kale, ka dib markii kumanaan kun oo qof ay ka qayb qaateen mudaaharaadyo looga soo horjeedo afgambigii bishii hore ka dhacay Suudaan.

Dilalka ka dhacay caasimadda Khartoum, gaar ahaan degmadeeda waqooyi – waxay sare u qaadday tirada dhimashada oo gaadhay 38 ka dib mudaaharaadyo socday  tan iyo markii millatarigu la wareegay awoodda.

Dibad-baxayaashu waxay socod ku mareen xaafado ka tirsan Khartoum iyo magaalooyinka mataanaha ah ee Bahri iyo Omdurman Arbacadii iyadoo ciidamada ammaanku ay ku rideen rasaas nool iyo sunta dadka ka ilmeysiisa ka dib markii la jaray isgaashsiinta taleefannada gacanta subaxnimadii hore ee maanta.

Booliska ayaa beeniyay in ay adeegsadeen rasaas nool, waxaana telefishinka dowladda uu shaaciyay in baadhitaan lagu sameynayo dhimashada.