Kooxda Daacish oo sheegatay masuulliyadda weerarkii Kambala

Uganda-(Berberanews)-Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda labo weerar oo ismiidaamin ah oo salaasadii lagu dilay saddex qof, laguna dhaawacay 36 qof oo ka dhacay caasimadda Uganda ee Kampala,.

Labo qof oo rayid ah iyo askari booliis ah ayaa ku dhintay qaraxyada, sida uu warbaahinta u sheegay afhayeenka booliiska Fred Enanga oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada.

Wakaalada wararka ee Amaq oo xidhiidh la leh Daacish ayaa dhacdadan ku soo daabacday channelkeeda Telegram SalaaSadii, iyadoo sheegtay in saddex dagaalyahan ay la soo baxeen boorsooyin ay ka buuxaan walxaha qarxa.

Labo ka mid ayaa u jiheystay dhanka saldhiga dhexe ee magaalada Kampala, halka midka sadexaadna uu u socday dhanka xarunta baarlamaanka, halkaasi oo ay isku qarxiyeen, sida la sheegay.

Bayaan uu soo saaray salaasadii, Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa tirada dadka ku dhaawacmay ka dhigay 33, isagoo sheegay in saddex qof oo weerarka soo qaaday ay dhinteen iyagoo qarxinaya bambaanooyin, toddoba kalena la dilay iyagoo iska caabiyay in la qabto.

Waxa la xidhay 81 qof oo la tuhunsanyahay, ayuu yidhi Museveni.
“Marka laga reebo ugaadhsiga argagixisada, istaraatiijiyadda feejignaanta dalku, waxay gacan ka geysaneysaa in la yareeyo khasaaraha,” ayuu yidhi Museveni.

“Sidaa darteed, dadweynuhu waa inay ilaaliyaan feejignaanta dadka ku jira goobaha laga soo galo basaska, hoteelada, kaniisadaha, masaajidada, suuqyada,” ayuu raaciyay.