Shirweynihii Waddani oo lagu doortay hoggaanka shanta sano ee Xisbiga

Hargeysa(Berberanews)-Shirweynaha Xisbiga mucaaradka ee WADDANI, ayaa maanta doortay hoggaanka Xisbiga hagaya shanta sannadood ee soo socda.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), oo shalay maddasha ka caddeeyay in aanu u sharaxnayn jagada Guddoomiyaha, balse uu yahay murrashaxa Madaxweynaha ee doorashada 2022, iyo masuuliyiinta kale ee hoggaanka Xisbiga, ayaa ku sugnaa gunaanadka maanta ee shirka oo galay maalintii labaad. Shirweynaha 2aad ee Xisbiga waddani

Ergooyinka maddasha fadhiyay oo gaadhayay 1300 oo ka kala yimi gobollada dalka, ayaa guddoomiyaha cusub ee xisbiga hoggaaminaya shanta sannadood ee soo socda cod aqlabiyad ah ugu doortay Xirsi Xaaji Cali Xasan, Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI ee shanta sanno ee soo socda, ayaa loo doortay inuu noqdo khadar Xuseen Cabdi, iyadoo cod aqlabiyad ah loogu doortay.

Jamaal Jamaac Xaamud ayaa loo doortay inuu noqdo ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI ee shanta sanno ee soo socota.

Shirweynaha, ayaa lagu doortay Guddoomiye iyo Lix guddoomiye ku xigeen, iyadoo xubin ka mid ah loo doortay Marwo Maxamed Cilmi (Sanbalooshe) oo u sharaxnayd xilka guddoomiye ku xigeenka.

Saleebaan Ducaale Jaamac , ayaa ergada shir weynaha labaad ee Xisbiga WADDANI ay u doorteen inuu noqdo Guddoomiye ku xigeenadda Xisbiga, Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye, waxayna ergada shir weynaha Xisbiga WADDANI ay u doorteen inuu kamid noqdo Guddoomiye ku xigeenadda Xisbiga WADDANI ee shanta sanno ee soo socota.

Sidoo kale, Axmed Xaaji Cabdullaahi Xamarji, Abiibakar Good, iyo Xuseen Cabdi Boos, waxayna cod aqlabiyad ah ugu ansixiyeen ergadu shirweynahu u doorteen inay ka mid noqdaan Guddoomiye ku xigeenadda Xisbiga WADDANI ee shanta sanno ee soo socota.

Shir weynihii labaad ee Xisbiga WADDANI oo maanta lasoo gebagebeeyay, waxa hoggaaminayay oo gunaanadiidka shahaado sharraf-yo lagu maamuusay shirguddoonkii, kuwaas oo kale ahaa Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil Yare), Axmed Xuseen Fagfagaash, Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun,Maxamed Sidiiq Dhamme.