Qaramada Midoobay oo  kordhisay cunaqabataynta hubka Somalia

Hargeysa-(Berberanews)-Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Isniintii ansixiyay go’aan lagu kordhiyo muddada cuna-qabataynta hubka ee Soomaaliya, inkasta oo xukuumadda Muqdisho dalbatay in laga qaado cuno-qabataynta, isla markaana iyadu masuul ka noqonayso ammaanka dalkeeda.

Qaraarka Golaha Ammaanka oo tirsigiisu yahay 2607/2021, ayaa muddo hal sanno ah lagu kordhiyey cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya oo soo taxnayd muddo 30 sanno ah, waxaana wax laga beddelay go’aamo ka dambeeyay oo ka soo baxay Qaramada Midoobay

Qodobbada ku xusan Qaraarkan ayaa sheegaya in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu kordhin doono kaantaroolidda hubka Soomaaliya Dibadda ka soo iibsaneyso si loo xakameeyo ganacsiga sharci-darrada ah ee Hubka.

13 dal oo ka mid ah 15-ka waddan ee Golaha Ammaanku ka kooban yahay, ayaa ansixiyey qaraarka lagu meel-mariyey cunaqabataynta hubka Soomaaliya, waxaana waddamada safka hore kaga jiray ansixintiisa ku jiray Waddanka Kenya oo ka mid ah Dalalka Midowga Africa ee Ciidammada nabad-ilaalintu ka joogaan dalka Soomaaliya.

Waddamada Ruusha iyo Shiinaha ayaa aamusay codeyntii qaraarkan.

Qaraarkan lagu kordhiyey cuna-qabataynta Hubka Soomaaliya waxa soo diyaariyay waddanka UK oo ballan qaaday inuu dalkaas ka taageeri doono mashaariicda dib-u-dhiska oo ay ka mid yihiin qalabaynta ciidamada ammaanka iyo xakamaynta ilaha ay kooxda Al-shabaab ka hesho dhaqaalaha iyo hubka.

Soomaaliya ayaa hore ugu baaqday in Qaramada Midoobay ka qaaddo Cuna-qabataynta hubka si ay fursad ugu hesho inay xoojiso awoodda ciidankeeda. Waxa kale oo Soomaaliya ka hor-timi qorshe muddo-kordhin loogu samaynayo xoogagga Midowga Afrika AMISOM ee nabad-ilaalinta u jooga dalkaas ama in wax-ka-beddel lagu sameeyo oo laga dhigo hawl-gal nabad-ilaalin ah oo ka kooban ciidamo isku-dhaf ah oo maamul ahaan hoos-taga Saraakiil iyo khubaro Milatari oo u dhashay Soomaaliya.

Muddo-kordhin lagu sameeyo cunaqabateynta hubka Soomaaliya iyo wax-ka-bedel lagu sameeyo sifaha xoogagga AMISOM ku joogaan dalkaas, ayaa ka mid ah go’aamada muhiimka ah ee la qorsheeyey in Golaha Ammaanku go’aamo ka soo saaro ka hor dhammaadka sannadkan.

Berberanews.com
Info@berberanewa.com