Maxay tahay dacwadda ay furteen haween makaankooda lagu baadhay Qatar?

Qatar-(Berberanews)-Todobo haween ah oo fadhigoodu yahay Australia ayaa qorsheynaya in ay dacweeyaan dowladda Qatar oo lagu qasbay baadhitaannada makaanka dhalmada haweenka ee gegida dayuuradaha caalamiga ah ee Doha sannadkii hore.

Damian Sturzaker, oo ka socda magaalada Sydney Marque Lawyers, ayaa sheegay Isniintii in macaamiishiisa ay raadinayaan magdhow “xaqiiqda ah in la sameeyay wakhtigaas oo ay sii wadaan dhibaatada”

Haweenkan oo ka mid ahaa koox ka kooban 13 Australian ah ayaa lagu amray inay ka soo degaan diyaaradda Qatar Airways oo ku sii jeedda Sidney iyo in la hubiyo ka dib markii ilmo dhawaan dhashay laga helay bac ku jirtay haan ku yaal musqul ku taal mid ka mid ah Terminalka garoonka. Oktoobar 2020.

Sagaal ama 10 duullimaad oo kale oo ka baxayay Dooxa ayaa sidan oo kale dib u dhacay iyadoo dumarka rakaabka ah la baadhay, ayuu raaciyay.

Haweenkan ayaa sheegay in lagu sameeyay baadhiaan lagu sameeyay gaadhj ambalaas ah oo madaarka yaalay.

Sturzaker wuxuu sheegay inaanu ka warqabin rakaabkii saarnaa duulimaadyada kale inay qaadayaan tallaabo sharci ah oo ka dhan ah Qatar iyo in kale.

“Waxay ka rabaan dowladda Qatar  raalligelin ku saabsan sida ay ula dhaqmeen iyo waxa ay rabaan oo ay codsanayeen waqtiga fog  ayaa ah in habraacyo la sameeyo si aanay taasi mar kale u dhicin,”

Sturzaker ayaa raaciyay. Mid ka mid ah macaamiisheeda qareenka, oo diiday in magaciisa la sheego, ayaa BBC-da u sheegtay in “ay martay imtixaankii jidheed ee ugu foosha xumaa”.