Djibouti oo meel adag iska taagtay in dalkeeda laga weeraro Ethiopia

Djibouti-(Berberanews)-Dowladda Djibouti, ayaa meel adag iska taagtay in dalkeeda laga weeraro dalka ay jaarka yihiin ee Ethiopia.

Wasiirka Arrimaha Debedda ee Djibouti, Maxamuuud Cali Yuusuf, ayaa sheegay inaanay marnaba dhacayn farogelin cadaawadeed laga doo qaado Djibouti oo laga fuliyo gudaha Ethiopia.

“Qaar ayaa walaac ka muujiyay in dhulka Jabuuti loo adeegsado faragelinta cadaawadeed ee lagu hayo dalalka deriska ah. Taasi ma dhacayso dawladda Jabuuti waxay ku dheggan tahay xidhiidhka ay la leedahay jaarkeeda.” Ayuu ku yidhi Wasiir Maxamuud oo qoraal kooban soo dhigat barta Twitterka.

Wasiirku wuxuu intaa ku daray in dalkiisu qaddarinayo xidhiidhka la dhexeeya Maraykanka, balse iskaashigeedu uu yahay mid aan gef ku ahayn dal kale.

“Jabuuti waxay qadarinaysaa iskaashiga istiraatijiyadeed ee ay la leedahay Maraykanka, waxaana hubaal ah in iskaashigani aanu ahayn mid ka dhan ah waddan kasta.”

Go’aanka Wasiirka Arrimaha Debedda ee Djibouti, ayaa daba socday hadal kasoo yeedhay
Abaanduulaha ciidamada Mareykanka ee saldhiga dalka Jabuuti Janaraal William Zana oo sheegay inay diyaar u yihiin inay gudaha u galaan Ethiopia haddii xaalku xumaado.