Ma Hoggaan Xisbi oo loo tartamayaa,mise Is Caleemo-saarka xubaha is calmaday?

Marka Laga Hadlayo Shirwaynayaasha Xisbiyadeena Qaranku Ay Qabsadaan iyo Sida Sharcigu Ugu Nidaamiyay In Xubanaha Xisbigu ay ugu Tartamaan waxaa u dhexeeya Farqi Wayn, Islamarkaana aan ay muuqato inaan sharciga loo habraacin, Lana ixtiraamin Xuquuqaha Xubnimada Xisbiga.

Sababtoo ah guud ahaan Shirwaynayaasha Xisbiyada Qaranka, Oo aan Markooda Horeba u dhicin sidii Sharciga ahayd iyo Mudadii Loogu Talagalayba.

Hadana waxaa Muuqata Ka hor Shirka iyo Tartanka hogaanka Xisbigaba in Caawa oo kale iyo Ka horba la sii ogyahay Cida hogaankaas kusoo Baxaysa, oo aanay Badanaaba aan jirin in lagu Tartamo Hoolka Dhexdiisa ama in marka horeba shuruudaha qofka lala doonayo lasoo leegaysiiyo, hadiiba ay jiraan cid kale oo shuruudahaas la buuxinkarta masuuliyiintaas iyagu is calamadayna ka hor shirka laga soo takhaluso oo lagaba saaro xisbiga, Waana Talaabooyin liidnimo ku ah dimuqraadiyada Xisbiyada qaranka lagaga dhaqmo iyo Xubnaha Xisbiyadaba oo ay ka siman yihiin guud ahaantood.

Sidaasaanaynu u odhankarin tartan doorasho hogaaneed ayaa dhacaysa ee waxay ahayd inaynu magac kale ula baxno oo ah Is caleemo Saarka Xubaha is Calmaday.

Waxaanan usoo jeedinlahaa guud ahaan Asxaabteena inaan dhaqaalaha intaas Le,eg aanay inagag khasaarin ilaa inta la helayo Xisbiyo si dhab ah uga turjuna dareenka Xubnahooga, islamarkaana Xeerarka dalka ixtiraamaya, Oo lagu soo noqonayo Dastuurka Qaranka iyo Xeerarka Ka Farcama.

WQ Garyaqaan Yuusuf Biixi