Xaaska Duuliyihii Djibouti lagu xukumay oo caddaallad darro tirsanaysa

Djibouti-(Berberanews)-Xaaska duuliye Fu’aad Yusuf Cali oo shalay Maxkamad ku taal Jibouti ku riday 10 sano oo xadhig ah iyo 12 kun oo dollar, ayaa xukunkaas ku tilmaamtay ‘cadaalad darro’.

Timiro Jaamac ayaa sheegtay in xukunka lagu riday uu yahay  caddaalad darro, islamarkaana aan loo oggolayn in ay aragto seygeeda meesha uu ku xidhan yahay.

“Isniintii ayuu dhacay xukunka, si caddaalad darro ah, si xeerka iyo xuquuqda aanay dhigeyn ayaa loo xukamay Fu’aad, 9-kii subaxnimo ayaa maxkamada Jabuuti nalagu xareeyay, 11-ka habeennimo ayaana la xukumay Fu’aad”, ayay tidhi Timiro oo la hadashay BBC Somali.

Waxay sheegtay in maxkamaddu ay diidday in xukunkaasi racfaan laga qaato. Waxay intaas raacisay in dowladda Jabuuti ay ka codsaneyso inay u oggolaato dibadbax nabadeed.

Fu’aad ayaa 27-kii bishii Maarso ee sanadkii hore u cararay dalka Ethiopia, ka dib markii uu ka hadlay caddaalad darro ka dhex jirta militariga dalka Jabuuti.

Dawladda Jabuuti ayaa markii dambe soo saartay amar ah lagu soo xidhayo Fuad Yuusuf oo xilligaas Itoobiya ku sugnaa, isagoo baxsad ah, balse waxaa markii danbe u soo gacangelisay dowladda Ethiopia.