Seif Al Islam: wiilkii uu dhalay qaddaafi oo u tartamaya Madaxweyne

Seif Al Islam oo ah wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee Libya Mucammar Qadaafi ayaa lagu soo warramayaa in uu kamid noqday musharraxiinta u tartamaya jagada madaxweynaha ee isku diiwaangeliyay inay ka qeybgalaan doorashada bisha December ka dhaceysa dalkaas.

Sawir baraha bulshada lagu baahiyay ayaa muujinayay Seif Al Islaam oo dhinac fadhiya goob la sudhay boodhadh lagu dhajiyay sawirrada ololahiisa doorashada.

Wuxuu ku labisnaa dharka hiddaha iyo dhaqanka Libiya-waana sawir ka duwan kii uu soo bandhigay ka hor kacdoonkii xilka lagaga tuuray aabihii sanadkii 2011-kii.

Saif Al Islaam waa 49 jir, wuxuuna si weyn u yaqaannaa luqadda Ingiriiska, isagoo shahaadada u sareysa ee dhaqaalaha ka qaatay jamaacadda dhaqaalaha ee London. Wuxuu ka tirsanaan jiray urur hadafkiisa ahaa inay xoojiyaan dhaqaalaha Liibiya.

Waxaa lagu tilmaami jiray in uu yahay ‘wajiga casriga ah ee Liibiya’ balse sanadkii 2008 wuxuu ku dhawaaqay inaanu dooneyn in xukunka uu kala wareego aabihii.

Bishii Nofembar ee sanadkii 2011, golihii kumeel gaadhka ahaa wuxuu shaaciyay in Saif Al Islaam lagu xidhay koonfur galbeed Liibiya.

Maxkamad ku taalla dalkaas ayaa sanadkii 2015 ku xukuntay dil isagoo ka maqan dalka.

Maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC ayaa codsatay in loo gacan geliyo Saif Al Islaam, kadib markiii la sheegay in uu galay dambiyo dagaal.

@bbc Somali