Britain : Nin 21 cisho cuntada uga soomay xaaskiisa oo Iran u xidhan

LONDON — Seyga haweeney u dhalatay Britain ee asalkeedu kasoo jeedo Iran oo in ka badan shan sano ku xidhnayd dalka Iran ayaa Sabtidii sheegay inuu soo afjarayo cuntada uu ka soomay 21 maalmood ka dib, kuna sugnaa meel ka baxsan xafiiska arrimaha dibadda ee Britain.

Richard Ratcliffe ayaa seexday teendho uu ka samaystay iridda ugu weyn ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda isaga oo dadaal ugu jiray in dowladda Ingiriiska lagu cadaadiyo in la sii daayo xaaskiisa iyo dadka kale ee u dhashay Britain iyo Iran ee xidhan.

Waxa uu bilaabay mudaharaadkiisa bishii hore ka dib markii xaaskiisa, Nazanin Zaghari-Ratcliffe, ay lumisay racfaankeedii ugu dambeeyay ee Iran.

Ratcliffe, ayaa markii uu ku dhawaaqay in uu soo afjaray cunnada ka soomay, wuxuu u mahadceliyay dad badan oo wanaagga jecel oo u istaagay inay la hadlaan waxa uu intaa ku daray in xaaskiisa ay kaga codsatay Johnson taleefoon arrintan.

In kasta oo aanay jirin wax horumar ah oo dhacay saddexdii toddobaad ee la soo dhaafay, Ratcliffe wuxuu sheegay in cunno-joojintiisa ay bidhaamisay “iftiin weyn” kiiska xaaskiisa oo uu ku sii daray cadaadiska dowladaha London iyo Tehran. “Waxaan u maleynayaa inaan joojinay dhaqdhaqaaqa dib u dhaca,” ayuu yidhi.

Ratcliffe waxa uu sheegay in uu bilaabay in uu cagihiisa xanuun ka dareemo habeenkii, kulan uu la yeeshay dhakhtarna waxa uu ku qanciyay in uu joojiyo cunto-joojinta.

Zaghari-Ratcliffe ayaa shan sano oo xabsi ah ku jirtay ka dib markii lagu xidhay garoonka diyaaradaha ee Tehran bishii Abriil 2016 waxaana lagu eedeeyay dambi ah inay maleegaysay afgambi dowladda Iran, eedeymahaa oo aay diiday iyadu, taageerayaasheeda iyo kooxaha xuquuqda.

Ninkeeda ayaa u muuqday mid murugoonaya ka dib markii uu Khamiistii la kulmay wasiirka arrimaha dibadda ee Britain James Cleverly ka dib wadahadal uu kula yeeshay saraakiisha Iran ee London.

Waxa uu rajaynaya in cunta-joojintiisa ay dib u soo noqon doonto maadaama ay dawladdu aragtay “waxaa dalka ka jira dareen aad u qoto dheer oo ku saabsan kiiska Nazanin, waxayna u baahan yihiin inay ogaadaan.”

Ratcliffe waxa uu sheegay in xaaskiisa ay Tehran u adeegsanayso ama uga faaiidaysanayso ahaan marka la eego guul-darradii U.K. ee ah in ay bixiso 400 milyan oo pound  ($ 540 milyan) oo deyn ah oo lagu leeyahay Iran.