Ninkii igu khiyaanay jacaylka-dhibbane jacayl

Bishii May 2019-kii ayay Safiya bilowday in App-ka haasaawaha ay kala hadasho nin la yidhaahdo Haaruun.

Waxay raadinaysay nin ay ku degto oo ay guursato. Haaruun wuxuu sheegay inuu isna doonayo gabadh uu guursado kadib haasaawahoodii ayaa bilowday si deg-deg ah ayay isu fahmeen.

Safiya may fileynin in saaxibkeed uu khadka ka baxi doono sidoo kalana looga tagi doona lacag deyn ah oo gaadheysa 400,000 oo doolar , ka dib markii ay lacag caddaan ah siisay ninkii uu xidhiidhka ka dhexeeyay ee oniline-ka isku barteen.

Waxay la hadlaysay Shabakadda Aasiya ee BBC, waxayna sheegtay inay dhibane u ahayd “khiyaano jacayl”, waxayna doonaysaa in apps-ka shukaansiga qaadaan tallaabooyin badan oo ay kaga hortagayaan dhibtooyinka noocaan oo kale ah.

Dukumentiyada amaahda guryaha ee beenta ah

Safiya, iyo ninkii ay u malaynaysay inuu yahay lammaane wanaagsan, ayaa billaabay inay ka hadlaan inay guri wada iibsadaan – iyada oo aan weligeed si caadi ah u la kulmin.

Safiya waxa ay dareemeysaa in loo sheegay “been badan” oo ku saabsan mustaqbalkooda.

Waxay sheegtay inuu sameeyay dukumeenti dayn oo been abuur ah iyo Email-lo qareeno.

@Getty images

Sofiya waxay Haaruun u dirtay lacag aad u badan oo uu waydiistay taas oo qayb ka ahayd qorshahooda mustaqbalka ee ay ku iibsanayeen guriga.

“Waxaan qaatay kumannaan doolar oo amaah ah iyo dhammaan kaydkayga oo dhan, taas gaareysa ku dhawaad ​​50,000-60,000 doolar.

“Kadib waxaan ka amaahday qoys iyo saaxiibo lacag badan.”

Wadar ahaan, Safiya waxay sheegtay inay u dirtay ilaa 400,000 oo doolar.

Safiya Kaliya maahan dadka ku dhacay dabinka khiyaanada jacaylka. Sida laga soo xigtay Wasaaradda Maaliyadda UK, waxaa jiray koror 20% ah ee lala xiriirinayo khiyaanada jacaylka intii u dhaxaysay 2019 iyo 2020.

Markii uu dalbaday £50,000 oo dheeraad ah, Safiya waxay go’aansatay in la joogo waqtigii wax la iska weydiin lahaa.

Waxay wacday bangigeeda, halkaas oo ay ku ogaatay inaysan akoon la wadaagto Haaruun. Waxay u sheegeen in magaceedu aanu ku qornayn akoonka.

“Aad ayaan u naxay oo waxaan mooday in dhulku hoostayda ka furmay, ma rumaysan karin, waxaan dareemay in aan ku jiro riyo aad u xun,” ayay tiri.

“Waxaad arkaysaa sheekooyin oo aad akhrisaa, waxaad maqashaa sheekooyinka dadka kale ku dhacay, laakiin waxaad dareemeysaa inaysan taasi weligeed kugu dhicin.”

‘Dhig telefoonka oo wac booliiska’

Safiya waxay bilowday inay baarto saaxiibkeed, si ay ogaato inuu ka shaqeeyay meeshii uu u sheegay inuu shaqeynayay.

“Waxay yiraahdeen qof magacaas leh kama shaqeeyo halkan.

“Runtii ninkii la hadlayay ee ka shaqeynayay Barclays ayaa iga dalbaday inaan telefoonka dhigo oo aan waco booliiska isla markiiba’.”

Wayna samaysay oo waxay BBC-da u sheegtay in Booliska Thames Valley ay baarayaan eedeymaha khiyaanada jaceylka ah, kaas oo lagu soo wargaliyay ciidanka.

Ilaa hadda ma jirto cid loo soo qabtay falkan, balse baaritaanku wuu socdaa. Laba sano ka dib, Safiya haatan waxay dareemeysaa inay ka soo kabaneyso dhibaatadii ay soo martay.

@Bbc Somali